Barcelona Oo Xaqiijisay Kooxda Uu Javier Mascherano Ku Biirayo, Sagootinta Loo Sameynayo & Hadii Uu Fursad U Helayo Inuu Daawado Kulanka Espanyol.

0
Wednesday January 24, 2018 - 13:28:59 in by Burco Office
  • Visits: 859
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Barcelona Oo Xaqiijisay Kooxda Uu Javier Mascherano Ku Biirayo, Sagootinta Loo Sameynayo & Hadii Uu Fursad U Helayo Inuu Daawado Kulanka Espanyol.

    Barcelona Oo Xaqiijisay Kooxda Uu Javier Mascherano Ku Biirayo, Sagootinta Loo Sameynayo & Hadii Uu Fursad U Helayo Inuu Daawado Kulanka Espanyol.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Barcelona Oo Xaqiijisay Kooxda Uu Javier Mascherano Ku Biirayo, Sagootinta Loo Sameynayo & Hadii Uu Fursad U Helayo Inuu Daawado Kulanka Espanyol.

Barcelona ayaa xaqiijisay in xidigii hore LiverpoolJavier Mascheranouu ku biirayo kooxda reer China eeHebei China Fortune, xidiga reer Argentina ayaa ka guuraya Camp Nou isagoo aruursaday koobab badan tan iyo maarkii uu kooxda yimid sanadkii 2010.

Mascherano inta uu xirnaa maaliyadda Blaugrana wuxuu hantay afar jeer La Liga, 4-jeer Copa del Rey, 2-Champions League iyo sidoo kale min laba jeer koobka kooxaha Aduunka iyo UEFA Super CUp.

Si kastaba 33-jirkaan heerka caalami ayaa ku wareeray kooxda xilli ciyaareedkaan, suxuuna kaliya kasoo muuqday 7-kulan kulamada horyaalka, bals jimcaha ayuu dhameystirayaa inuu ku biiro kooxda reer China eeHebei China Fortune.

Mascherano wuxuu kooxdiisa u saftay in ka badan 330-kulan, wuxuuna meel wacan kasoo galayaa xidigaha waqtiga ugu wacan ku qaatay Camp Nou.

Barcelona waxey shalay xaqiijisay iney maanta u sameyn doonto sagootin waliba si toos ah loo daawan doono iyadoo xidigaan looga mahad celin doono sanadahii uu kooxda naftiisa usoo hurya.

Sidoo kale Javier Mascherano wuxuu jamaahiirta Blaugrana macsalaameyn doonaa kulank ay Camp Nou ka dhici doona ee Espanyol – lugta labaad copa del Rey.