DAAWO: madaxa haay'adda caafimaadka aduunka ee who oo soo bandhigay qorshe dunida lagaga hir gelinayo adeeg caafimaad oo muhiim ah..

0
Wednesday January 24, 2018 - 13:54:27 in by Burco Office
  • Visits: 578
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DAAWO: madaxa haay'adda caafimaadka aduunka ee who oo soo bandhigay qorshe dunida lagaga hir gelinayo adeeg caafimaad oo muhiim ah..

    DAAWO: madaxa haay'adda caafimaadka aduunka ee who oo soo bandhigay qorshe dunida lagaga hir gelinayo adeeg caafimaad oo muhiim ah..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

DAAWO: madaxa haay'adda caafimaadka aduunka ee who oo soo bandhigay qorshe dunida lagaga hir gelinayo adeeg caafimaad oo muhiim ah..
Dr. Tedros Adhanom oo ah agaasimaha ururka caafimaadka aduunka ee WHO ayaa u sheegay 192-ka dal ee xubnaha ka ahaa ururkaasi in adeeg caafimaad oo bilaash ah oo ay helaan dadka aduunka ku nooli ay tahay mid horseedi karta in dadka oo dhami ay caafimaad ku noolaadaan.
 
Dr. Tedros Adhanom oo hadal u jeedinayey 34 xubnood ee fulinta ka ah ururka WHO tan iyo markii uu xilka qabtay ayaa sheegay inuu jiro qorshe xoogan oo wax lagaga qabanayo hay’adda WHO kaas oo muhiim ah isla markaana haatan la sameeyey. Agaasime Dr. Tedros Adhanom ayaa ku faanay inuu sameeyey qorshe ay maamulka sare ee hay’adda qayb kaga noqonayaan haweenku, isaga oo xusay inay wakhtigan sameeyeen cudud siyaasadeed oo adag taas oo ka dhan ah cudurada aan faafin iyo qaaxada iyo in la daah furay hal abuur cusub oo lagula tacaalayo saamaynta caafimaad ee isbadalku cimiladu ku yeelatay jasiiradaha yaryar iyo wadamada soo koraya
 
 
 
 
 
 
 
 



 
"ugu yaraan kala badh bulshada caalamku ma haystaan adeegyada caafimaad ee aas aasiga ah, qiyaas ahaana dad gaadhaya boqol milyan oo qof ayaa sanad kasta gala xaalad fakhri oo aad u xun iyada oo ay sabab u tahay dhaqaalihii ay ku heli lahaayeen caafimaadka oo aanay haysan, waana in la soo afjaraa xaaladan.”
 
 
Dr. Tedros Adhanom ayaa sidoo kale wadamada Kenya, Madagaskar iyo Rwanda ku amaanay inay hir gelinayaan adeeg caafimaad oo bulshada oo dhami awoodi karto, waxaanu tilmaamay in maal gelinta adeega caafimaadka guud aanu ahayn midka kaliya ee ku wanaagsan ee lagu maal galiyo dunida caafimaadka qabta balse waa mid hir gelinaya duni caafimaad qabta.
 
 
Dr. Tedros Adhanom ayaa sheegay inuu qorshahan horgeyn doono shirka guud ee ururka caafimaadka aduunka, isaga oo xusay inuu wadamada xubnaha ka ah waydiisan doono inay sameeyaan balanqaad la xidhiidha talabooyinka ay ka qaadayaan caafimaadka guud.