Qarax miino oo saakay ka dhacay magaalada Muqdisho Iyo Khasaraha Ka Dhashay.

0
Thursday January 25, 2018 - 10:23:39 in by salman abdi
  • Visits: 758
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qarax miino oo saakay ka dhacay magaalada Muqdisho Iyo Khasaraha Ka Dhashay.

    Qarax miino oo saakay ka dhacay magaalada Muqdisho Iyo Khasaraha Ka Dhashay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qarax miino oo saakay ka dhacay magaalada Muqdisho Iyo Khasaraha Ka Dhashay.

Qarax miino ayaa goor dhaw oo saakay ah ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan inta u dhaxeysa Isgoyska Tarbuunka iyo Isbitaalka Digfeer ee degmada Hodan.

Wararku waxaa ay sheegayaan in qaraxan lagu aasay guri u dhow waddada dhinaceeda, iyadoo lala eegtay ciidamo saarnaa gaari yar oo wadada marayay.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in qaraxa uu hal qof ku dhaawacmay, balse burbur uu soo gaaray guri wadada dhinaceeda ku yaal.

Ciidamo ka tirsan Booliska degmada Hodan ayaa gaaray degmada Hodan, waxaana ay ka sameeyeen baaritaano.

Maalin ka hor Qarax duleedka Muqdisho ka dhacay ayaa lagu dilay afar ruux oo uu ku jiro sarkaal ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka.