Cadho ka dhalatay dumar 'fuusto' lagu tilmaamay Iyo Cida Ku Tilmaantay.

0
Friday January 26, 2018 - 12:03:58 in by salman abdi
  • Visits: 490
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cadho ka dhalatay dumar 'fuusto' lagu tilmaamay Iyo Cida Ku Tilmaantay.

    Cadho ka dhalatay dumar 'fuusto' lagu tilmaamay Iyo Cida Ku Tilmaantay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cadho ka dhalatay dumar 'fuusto' lagu tilmaamay Iyo Cida Ku Tilmaantay.

Dalka Sri Lanka caro xooggan ayaa ka dhalatay kadib markii shirkad ka shaqaysa arrimaha jirdhiska ay soo dhajisay boor weyn oo xayaysiis ah, kuna soo sawirtay fuusto, kadibna lagu qorey erayo lagu durayo dumarka sida "Kani ma ahan qaabka dumarka ay u egyihiin".

Xayaysiinta ayaa waxaa lagu dhajiyay dariiqyada magaalada Colombo ee caasimadda dalka Sri Lanka, waxaana mas'uul ka ah shirkadda Osmo gym.

Dad badan oo dumar iyo rag isugu jira ayaa baraha bulshada ku baahiyay sawirka boorka, iyaga oo aad u cambaareeyay fariinta, kuna tilmaamay mid lagu bah dilayo dumarka, jirkoodana lagu fadeexeysanayo.

Dadka qaar ayaa ku baaqay in laga baaqsado shirkadda Osmo in adeegyadeeda la isticmaalo.

Shirkadda ayaanan wax talaabo ah ka qaadin arrintan, mana jirto raaligalin ay ka bixisay.

"Xayaysiintan waxbo kama duwana kuwii hore ee dumarka sida qaldan loo isticmaalayay, ee badeeco kasta lagu suuq geynayay muuqaalka dumarka, xitaa baabuurka, jirkooda sida qaldan looga faa'iideysanayay" ayay BBC-da u sheegtay Marisa de Silva oo u dhaqdhaqaaqda xuquuqda dumarka.

Dumar badan ayaa isku dayaya in ay wax ka qabtaan boorkan, iyaga oo xitaa u dacwooday shirkadda iyo dowladda.

Fariimo lagu wacyigalinayo dadka oo ku saabsan xuquuqda dumarka ayaa lagu dhajiyay meelo kale oo magaalada ka mid ah.

Maalmo kadib boorkii Osmo waa laga fujiyay halkii uu ku dhegenaa, lagama oga halka la geeyay.