Berbera Waa Caasimada Dalxiiska Jsl, Moyar Cidin Sii Wad Wax Qabadkaaga Ku Wajahan Caasimada Berbera

0
Friday January 26, 2018 - 13:05:49 in by salman abdi
  • Visits: 1412
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Berbera Waa Caasimada Dalxiiska Jsl, Moyar Cidin Sii Wad Wax Qabadkaaga Ku Wajahan Caasimada Berbera

    Berbera Waa Caasimada Dalxiiska Jsl, Moyar Cidin Sii Wad Wax Qabadkaaga Ku Wajahan Caasimada Berbera

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Berbera Waa Caasimada Dalxiiska Jsl, Moyar Cidin Sii Wad Wax Qabadkaaga Ku Wajahan Caasimada Berbera

Waa markii ugu horaysay ee waxqabadka moyarada siiba moyarka berbera madaxwayne ku maamuso shahaadad sharaf waxqabadka moyarada gobolada siiba moyar cidin Berbera waa caasimada dalxiiska jsl moyar cidin sii wad wax qabadkaaga ku wajahan caasimada berbera Halka aad ku farxaysid waqti kasta berbera iyo ashqaraarka bilicda wadooyinka berbera markaad dhex istaagtid


Waxa uu moyarka hargeisa uu dhaxal siiyay tacabkii bulshadii soo dooratay niyad jab qanac waxqabad la an maamul xumo xafiis aanu kasoo xaadirin waqti kasta taas oo sabab u noqotay in doorashadii ugu dambaysay ee madaxtooyada waxay bulshadii caasimadu dib uga istaagen in ay qaatan kaadhka cod bixinta dibna uga istaagan in ay sax oo

xalaal ah u codeeyan iyagoo ku diiday waxqabad la anta goolayaasha deeganka ee dalka gaar ahaan caasimada maan arag moyar iyo goole deegan oo ka liita ka cadaalad xun moyarka hargeisa oo ka karti waxqabad daran marka la barbar dhigo moyaradii soo maray caasimada hargeisa ilaa eng maxd hashi cowl cilmi cabdale moyar cadami moyar jiciir

Xil madhan maamul la an tariikh xumo fahan la an xilka umada codkoodi ay ku siiyen waxqabadka mayarka waxa inogu filan wadooyinka caasimada hargeisa ciida iyo qashinka daadsan jidadka caasimada hargeisa madaxwaynaha jsl oo ku amray in lagu dhiso dhaqaalaha dawlada dhexe wadooyinka ka yimaada airport iyo wadada marta dhakhtarka wayn ilaa carwada dawlada dhexe halka moyarka berbera uu dhisay 65 wado oo wadada ugu yar ay tahay 8km indhahaa u macalin ah fadlan muwaadin aragtida indhahaga ku daawo berbera iyo hargeisa kadib qiime waxqabadka labada gole deegan waxa kale oo kusoo batay waqtigii xukumadii hore ee siilanyo aragtiyaha dadwaynaha eek u wajahan wax qabadka moyar cidin in lagu maamuso shahaado sharaf ka samaysan dahab madaxwayne siilanyo waa markii ugu horaysay ee lagu maamuso moyarka ugu wax qabadka badan dalka moyar cidin

Moyarka caasimada hargeisa waxa lagu xasuusan karaa maamul xumada masuuliyad darada isagoo aan u xaqsoorin shaqaalaha uu xukumo isagoo ku shaqeeya qabiil oo uu Shaqaalahi dhamaan dib looga eryey dawlada hoose ee cunay dhulka danta guud dakhligii iyo bugaagta dawlada hoose ku takri falay isagoo danaynaya dano gaar shaqsiyeed oo ka leeyahay dib usoo celintooda moyarka oo ku sababeeyey soo celintooda in ay yahiin shaqaale waayo arag ah eng maxd hashi isagoo ku soo rogay imtixaankii dawliga ahaa dawlada hoose si loo helo shaqaale tayo iyo aqoon leh

Iyadoo ay caasimada hargeisa soo mareen moyaro kala waqtiyo qaar ah xukumayey caasimada hargeisa ha ahaadeen moyaro waqtigaa laga soo magacaabayey xafiiska madaxtooyada dalka hadana taariikhda iyo soyaalka dalku marna ma hilmaami karo in la xuso waxqabadkii kala du duwanaa ee ay ka qabteen caasimada hargeisa dhiskeeda bilicdeeda arimaha nadaafada caasimada hargeisa moyaradaa ka soo taliyay maamulka dawlada hoose waqtiyadaa mudo xileedkooda moyarnimo moyar cadami moyar jiciir moyar cawl taarikhda ayaa xusi doonta taarikhdoodi wax qabad ee ay la yimaadeen

Fayo-dhawre madax bannaan

la soco

buux2010@gmail.com

0634130821