Siyaasi Bandhigay Caqabadaha Cabdiraxmaan Cirro Ka Dhaxli Karo Hadii Aanu Aqbalin Natiijada Doorashada,Talooyin Culusna Siiyey Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

0
Saturday January 27, 2018 - 10:01:40 in by salman abdi
  • Visits: 537
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasi Bandhigay Caqabadaha Cabdiraxmaan Cirro Ka Dhaxli Karo Hadii Aanu Aqbalin Natiijada Doorashada,Talooyin Culusna Siiyey Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

    Siyaasi Bandhigay Caqabadaha Cabdiraxmaan Cirro Ka Dhaxli Karo Hadii Aanu Aqbalin Natiijada Doorashada,Talooyin Culusna Siiyey Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaasi Bandhigay Caqabadaha Cabdiraxmaan Cirro Ka Dhaxli Karo Hadii Aanu Aqbalin Natiijada Doorashada,Talooyin Culusna Siiyey Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Wasiirkii hore ee maaliyada somaliland ee xukuumadii Daahir Rayaale Ambassador Xuseen Cali Ducaale(Cawil) ayaa hadlay xaaladaha siyaasadeed ee wakhtigan ka taagan somaliland.


Amb Cawil ayaa talooyin u diray madaxweynaha somaliland iyo gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani.

Amb Cawil ayaa ugu horayn hadalkiisa ku bilaabay aragtida uu ka qabo talaabadii ay ciidamada somaliland kula wareegeen Tukaraq waxaanu yidhi "Dawlad kasta oo somaliland ka dhisan waajib ayaa ka saaran inay xuduudeeda sugto, tan imika ee Tukaraq-na dalkeenii ayeynu ku jirnaa oo meel aan maamulkeenu gaadhin ayey ciidankeenu imika gaadheen, xuduudana waa la sugi doonaa waana hubaal taasi.” Ayuu yidhi Amb Cawil oo u waramay

 

 


HCTV.Amb Cawil ayaa talooyin muhiim ah u diray madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxaanu yidhi "Waxaan ugu baaqayaa madaxweynaha inuu wax walba ka horaysiiyo cadaalada iyo sinaanta, jiritaanka umadana gacanta ku hayo, dawladnimada hubka lagu wadaa maaha qoryo iyo taangiyo balse waa fulaynimo, waana in cidii wax tabanaysa uu madaxweynuhu guryahooda ugu tago oo ka bogsiiyo waxyaabaha ay ka cabanayaan oo albaabkiisu u furnaado oo beelaha uu is leeyahay dareen fog ayaa yaala uu u tago taasina ay noqoto mid uu caadaysto.”

Amb Cawil ayaa ka waramay doorashadii madaxtooyada somaliland ka dhacday sanadkii 2003 iyo waxyaabihii uu ka faa,iiday Axmed Siilaanyo oo wakhtigaas ahaa murashaxii Kulmiye ee lagaga guulaystay codadka tirada yar waxaanu yidhi "Masuuliyad ayaa saaran gudoomiyaha Waddani Cabdiraxmaan Cirro waana laga guulaystay, Doorashadii 2003 murashaxii Axmed Siilaanyo waxa uu Daahir Rayaale kaga helay 80 cod, Axmed Siilaanyana waxa uu geesinimo u yeeshay inuu yidhaahdo waa layga helay oo uu ogolaado 80-kaa cod, qofka shakhsiga ahi waa inuu ku xisaabtamaa in marka laga guulaysto uu aqbalo, taasina waxay keenaysaa inay dadku ku kalsoonaadaan, Axmed Siilaanyana barigaas kalsooni xoog leh ayuu ka helay inuu noqday murashax 80 cod lagaga helay oo si sharaf leh u aqbalay, xitaa beeshii uu ka soo jeeday ee bariga Burco ayaa sharaf ka heshay waayo beeshaas wadatay Suldaan, siyaasi iyo ganacsato ka hadhay may jirin, waana qiimeyn keentay kalsooni sababtay in Axmed Siilaanyo mar dambe madaxweyne ka noqdo dalka iyo dadkeena oo ka daalay siyaasad buuq ku dhisan kuna farxay in murashaxii 80-kaa cod aqbalay beeshiisiina ku garab gashay oo aanu qof kaliya hadal.”

Amb Cawil ayaa murashax Cirro ugu baaqay inuu beeshiisa iyo taageerayaashiisaba u sheego in laga guulaystay waxaanu yidhi "Maanta 80,000 cod ayaa lagaga helay Cabdiraxmaan Cirro, waana inuu beeshiisa iyo taageerayaashiiba u sheegaa waa layga helay oo geesinimadaas Siilaanyo yeeshay mid la mid ah yeeshaa oo aanu odhan sidan uu imika u hadlayo ee uu leeyahay Waan Amaahiyey, siyaasaduna maanta maahee barina way jirtaa.”

Amb Cawil ayaa soo bandhigay natiijada uu Cabdiraxmaan Cirro la kulmi doono haddii aanu aqbalin natiijadii doorashada Waxaanu Yidhi "Wuu ogolaaday murashaxii Faysal, haddii uu Cabdiraxmaan Cirro ogolaan waayo oo uu wali ka hadlayo, taageerayaashiisii iyo odayaashii iyo beeshiina ka hadlayso waxa iman doonta inaanu mar dambe dalka waxba ka noqon.” Ayuu yidhi Ambassor Xuseen Cali Ducaale (Cawil).