Ciidamada dowladda Oo Xiray Siyaasiyiin Uu ka Mid Yahay Kamaal Daahir Guutaale Iyo Sababta Loo Xidhay.

0
Saturday January 27, 2018 - 19:19:54 in by Burco Office
  • Visits: 446
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada dowladda Oo Xiray Siyaasiyiin Uu ka Mid Yahay Kamaal Daahir Guutaale Iyo Sababta Loo Xidhay.

    Ciidamada dowladda Oo Xiray Siyaasiyiin Uu ka Mid Yahay Kamaal Daahir Guutaale Iyo Sababta Loo Xidhay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada dowladda Oo Xiray Siyaasiyiin Uu ka Mid Yahay Kamaal Daahir Guutaale Iyo Sababta Loo Xidhay.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa goor dhaw xabsiga dhigay Siyaasiga Kamaal Daahir Gutaale iyo Xog-hayaha Guud ee Xisbiga Sayid Cali Macalin Cabdulle.

Siyaasiyiintan ayaa laga xiray hotelka Maka Al-mukarama oo ay ku sugnaayeen, waxaana watay ciidamo ka tirsan kuwa Nabad-sugida.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishuur ayaa bartiisa Facebook ku sheegay in ciidan ka tirsan NISA ay xabsiga dhigeen Kamaal Gutaale iyo Sayid Cali Macalin Cabdulle.

Ilaa iyo hadda lama oga sababaha loo xiray mas'uuliyiintan, hase ahaatee waxaa lala xiriirinayaa inay daba socoto xarigii Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame oo 17-kii December ee sanadkii hore, markii ciidamo ka tirsan kuwa Ammaanka ay ku weerareen gurigiisa.

Wixii warar ah ee ka soo kordha waan idin soo gudbin doonaa