Daawo :xildhibaano ka tirsan golaha wakiilada somaliland oo ku goodiyay inay sameynayaan xeer dabraya salaadiinta siyaasada ku dhex milmey.

0
Sunday January 28, 2018 - 17:45:31 in by salman abdi
  • Visits: 479
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo :xildhibaano ka tirsan golaha wakiilada somaliland oo ku goodiyay inay sameynayaan xeer dabraya salaadiinta siyaasada ku dhex milmey.

    Daawo :xildhibaano ka tirsan golaha wakiilada somaliland oo ku goodiyay inay sameynayaan xeer dabraya salaadiinta siyaasada ku dhex milmey.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Daawo :xildhibaano ka tirsan golaha wakiilada somaliland oo ku goodiyay inay sameynayaan xeer dabraya salaadiinta siyaasada ku dhex milmey.
uddoomiyaha Guddida Difaaca iyo Nabadgalyada ee Golaha Wakiilada Xidhibaan Cabdikariim Aw Cali Shabeel iyo Guddoomiye ku xigeenka Guddida Dhaqaalaha Xildhibaan Maxamuud Axmed Obsiiye, ayaa sheegay in Gole ahaan ay soo saari doonaan Xeer xakameeya Salaadiinta, Madax-dhaqameedka iyo cid kasta oo dhib bulshada dhexdeeda ka wada.
 
 
Guddoomiyaha Guddida Difaaca iyo Nabadgalyada ee Golaha Wakiilada Xidhibaan Cabdikariim Aw Cali Shabeel iyo Guddoomiye ku xigeenka Guddida Dhaqaalaha Xildhibaan Maxamuud Axmed Obsiiye, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka digay qabyaalada, waxaana ugu horeyn Guddoomiyaha Guddida Difaaca iyo Nabadgalyada ee Golaha Wakiilada Xidhibaan Cabdikariim Aw Cali Shabeel uu hadalkiisi ku bilaabay "Anigoo ka turjumaya guuxa iyo dareenka Shacabka reer Somaliland iyo dareenka Golayaasha Qaranka, waxaan aad u jecel ahay in aan is dul taago hadalada ama Salaadiin ha noqdaan ama Madax-dhaqameed, ama dadka Shacabka ah Odayaashooda Ama Madaxdooda ha noqdaan, hadalada xanafta leh ee naxliga huwan ee waxyeelo mooye aan waxtar lahayn ku hadlaya ee dadka ku kicinaya ugu horeyn waan cambaaraynayaa, waxaana leeyahay waxyaalaha uu ILLAAHAY inaga xarimay waxa ka mid ah in fidno la abuuro, oo dadka dhexdiisa la galiyo, anagoo ka turjumayna dadka guddo iyo dibadba ha joogaana waa mid ay aad iyo aad uga xumadeen, aadna ugu calool xumadeen, iyadoo ay dhibaatooyin aad u badani ina soo mareen oo abaar baahsani ina soo martay, imikana laga cabsi qabo ALLE ha inaga badbaadiye, dadkeena itaalka daran ee sugaya waxqabad iyo horumar in lagu kala dhantaalo arimo qabyaalad huwan maaha, qabyaalad waxtar la’aanteeda iyo waxay dumiso cid waliba wey ka dharagsan tahay, ee qabyaalada ha laga fogaado”.
 
 
 
 
 
 
 
 
 



 
 
 
 
 
 
Xildhibaan Cabdikariim Aw Cali Shabeel mar uu ka hadlaayey xeer uu sheegay inay ku xakamaynayaan Madax-dhaqameedka ayaa yidhi "Adduunka ma jirto meel aan lahayn xeer, waxaana Golayaasha Qaranka ku gubaabinayaa, oo Xukuumadda uu Madaxweynaha ka yahay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi u soo jeedinayaa in la sameeyo xeer lagu xakameeyo Salaadiinta, oo siday aynu ognahay fatahay, waa in la sameeyo xeer lagu xameeyo, oo ciqaabihiisa leh, Dadka ama Salaadiinta ku hadlaya hadalada dambiga ah ee keeni kara dhibaatooyinka dadka gudihiisa dhib ka abuurayana, waxaanu Gole ahaan ku hamiyeynaa in aanu ka soo saarno xeer adag”.
 
 
 
 
 
Xildhibaan Cabdikariim Aw Cali Shabeel mar uu ka hadlaayey nabadgalyada ayaa yidhi "Maanta boqolkiiba boqol dalkeenu nabadgalyadiisu wey sugan tahay, nabadgalyadaasna ALLE sukadii Shacabkeena ayaa sabab u ah, oo iyadoo aanay cidi waxba ina tarin ayeynu isku tashanay, oo aynu wax walba qabsanay, sidaas oo ay tahay labadan Beelood ee walaalaha ah ee isku deegaanka ah ee wada degan, ee is dhalay, waxaan leeyahay madaama aynu maanta Wadan nahay, oo aynu sharci iyo dawlad leenahay, haddii ay cabasho timaado, inta dhiig aanu daadan, waxa haboon in sharciga timaadaan, oo sharciga wixii cabashadiina ah u soo gudbisaan, inkasta oo ALLE qadaray in dadkani inaga dhintaan, haddana dagaalkan iyo colaadan soo noq-noqonaysaa dhib mooye, wax dheef ah oo haba yaraate aynu ka helaynaa ma jirto, ee labada Beelood waxaan ku waaninayaa inay heshiisayaan, oo mar dambe aanay dhiig daadin”.
 
 
 
 
 
Guddoomiye ku xigeenka Guddida Dhaqaalaha ee Wakiilada Xildhibaan Maxamuud Axmed Obsiiye ayaa isna yidhi "Arrimaha shaqaaqooyinka iyo dagaalka ee beelaha dhexdoodu wey soo noq-noqdaan, wey jirayaan in la iska hor yimaado ama khilaaf dhex yimaado Beelaha, horena uu u jiri jiray, in Ceelasha, Deeganada iyo Dhulka waa la isku qab-qabsan jiray, dadkuna inay is qabtaan waa wax dabiiciya, laakiin dhimashadan faraha badan waxa sabab u ah hubka, ee waxa loo baahan yahay inay Xukuumaddu dib u eegto, xakameeynta hubka, dhimashada faraha badana waxa xakameeynaya in Xukuumaddu xeerkii iyo qawaaniintii hubka fudud, dabaqaadeeda inay hirgaliso, oo dib u eegis ku sameeyso xeerkii 1995 iyo xeerkii 2010 soo baxaya, oo ah in hubka fudud gacanta dawladda mooye, aanay gacan kale hubka haysan, inta aanay dhimashadu heer gaadhin ayaa wax walba xal laga gaadhi karaa, waxaana Xukuumadda leeyahay si loo xakameeyo dagaalkan soo noq-noqonaya, waa inay hubkan faraha badan ee gacanta shacabka ku jira joojisaa, sababtoo ah hubkan faraha badan ee gacanta shacabka ku jira iyo hubkan casriga ah ee guriyihii yaala, ee meheradihii yaala, ee sharci darada loo haysto, waa in xeerkii saanada iyo hubka ee 1995 la soo saaray iyo xeerkii 2010 la soo saaray ayaa loo baahan yahay in la fuliyo, oo dadka laga soo ururiyo hubka, oo hub ka dhigis la sameeyo, oo Degmo, Tuulo ilaa Magaalo laga soo ururiyo oo gacanta Dawladda mooye aanu gacan kale hubku ku jirin, oo hub sharci loo soo qaatay, oo lagu og yahay qofka, oo haddii uu wax dilo, la garto, oo haddii uu sharci u leeyahay lagu qabto, oo la xidho hebel baa dilay, laakiin cida dishay dadka garan mayno oo inan yar baa halkaas wax dhuftay, yaanay noqonin, hubku waa inuu xadidinaada, haddii dadku isku dhuftaan bud, bakoorad iyo mindi, waa wax fudud oo xal deg deg ah laga gaadhi oo khasaarahoodu uu kooban yahay, laakiin qori 30 xabadood ku jiraan haddii la rido waxyeeladiisa ayaa badanaysa, taas ayaana keenaysa naxdinta iyo dhibaatada, labadan beelood ee imika is leeyey, hore ayaa loo heshiisiyey, waa la dhaariyey, mag ayey kala qaateen, haddana waa taas dhibtii soo noqotay, ee qoriyahaas ay haystaan ayaa dhibaatada keenaya, ee ha la xakameeyo hubka”.
 
 
 
 
 
 
 
Xildhibaan Obsiiye mar uu ka hadlaayey Madax-dhaqameedka ayaa yidhi "Madax-dhaqameedka waxaan leeyahay xilkiinu maaha inaad umadda kicisaan oo aad isku dirtaan, ee waajibkiinu waxa weeye inaad ALLE ka cabsataan, oo dadkan walaalaha ah haddii ay is dilaan sidii uu ALLE ina faray, waa inaynu dhex galo oo cadaalad la sameeyno, ee Madax-dhaqameedku waa inay mar walba nabadgalyada ka taliyaan”