Midowga Yurub oo maanta ka shiraya arrimaha bixitaanka BritainWeerar culus oo saakay lagu qaaday jaamacad lagu tababaro Ciidamada Afghanistan oo ku taala Magaalada Kabul

0
Monday January 29, 2018 - 11:22:45 in by salman abdi
  • Visits: 508
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Midowga Yurub oo maanta ka shiraya arrimaha bixitaanka BritainWeerar culus oo saakay lagu qaaday jaamacad lagu tababaro Ciidamada Afghanistan oo ku taala Magaalada Kabul

    Weerar culus oo saakay lagu qaaday jaamacad lagu tababaro Ciidamada Afghanistan oo ku taala Magaalada Kabul

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weerar culus oo saakay lagu qaaday jaamacad lagu tababaro Ciidamada Afghanistan oo ku taala Magaalada Kabul

Wararka ka imaanaya Magaalada Kabul ee dalka Afghanistan, ayaa sheegaya in saakay weerar culsu lagu qaaday Jaamacadda Difaaca Qaranka ee Marshal Fahim, oo lagu tababaro Ciidamada Militariga ee Afghanistan.

Weerarkan, ayaa ku bilowday qaraxyo waaweyn oo gilgilay Magaalada Kabul, ka dib markii dabley aan heybtoodu la garanayn, ay dhawr jiho ka weerartay jaamacadaasi.


Wariye-yaasha, ayaa soo sheegaya in iska horimaad xoogan uu halkaasi ku dhex marayo Ciidamada Militariga iyo dableydii weerarka soo qaaday.

Warbaahinta dalkaasi, ayaa ku warameysa in Madaxda iyo Saraakiisha Ciidamada ay ku dadaalayaan, sidii lagu soo afjari lahaa dableydaasi.

Sabtidii, ayay ahayd markii qarax ismiidaamin oo 100 qof ku dhimatay uu ka dhacay Magaalada Kabul, iyadoona uu Ururka Taliban sheegtay.

Dowladda uu caalamka aqoonsan yahay ee Afghanistan, ayaa la daallaa dhaceysa weerarada kaga imaanaya Ururada Taliban iyo Daacish.