Dhamaan Kuraasta ka bannaan golaha shacabka oo doorashadooda la qabanayo

0
Monday January 29, 2018 - 11:22:45 in by salman abdi
  • Visits: 498
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhamaan Kuraasta ka bannaan golaha shacabka oo doorashadooda la qabanayo

    Dhamaan Kuraasta ka bannaan golaha shacabka oo doorashadooda la qabanayo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhamaan Kuraasta ka bannaan golaha shacabka oo doorashadooda la qabanayo

Guddiga madaxa–bannaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa sheegay in ay qaban doonaan Doorashada dhamaanba Kuraasta kale ee ka dhiman Golaha Shacabka.

Guddiga ayaa sheegay in saddex Kursi ay ka dhiman tahay Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, waxayna Guddiga tilmaameen in Saddex kursi doorashooyinkooda ay ka kala dhici doonaan Magaalooyinka Cadaado, Kismaayo iyo Muqdisho.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibraahim [Xaliimo Yareey] oo la hadashay warbaahinta ayaa sheegtay in cabashadii ka taagneyd qabsoomida doorashada Saddex kursi la xaliyay.

Maalintii shalay ayeey aheyd markii magaalada Jowhar lagu soo gabagabeeyay doorashada mid ka mid ah kuraastii ka bannaaneyd baarlamaanka, waxaana ku guuleysay xildhibaan Nuur Iidoow Beyle.