Dawlada Soomaaliya Oo Ku Dhawaaqday Tirada Dadka Qaba Xanuunka Juudaanka Iyo Gobolada Ay Ku Nool Yihiin

0
Monday January 29, 2018 - 11:22:45 in by salman abdi
  • Visits: 600
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Soomaaliya Oo Ku Dhawaaqday Tirada Dadka Qaba Xanuunka Juudaanka Iyo Gobolada Ay Ku Nool Yihiin

    Madaxweyne Farmaajo oo kulan la yeeshay wafdi ka socday Midowga Yurub

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Farmaajo oo kulan la yeeshay wafdi ka socday Midowga Yurub

Dawlada federaalka ah ee soomaaliya ayaa ku dhawaaqday tirada dadka qaba xanuunka juudaanka ee ku sugan gudaha dalka.


Wasiirka caafimaadka ayaa sheegtay in dad gaadhay 187 qof oo caruur ahi ay qabaan cudurkan juudaanka kuwaas oo 93 ka mid ah uu naafeeyey halka inta kalana ay la nool yihiin, waxaanay shaacisay in cudurkan la yarayn karo isla markaana ka dabar goyn karo haddii ayWasiirka caafimaadka dawlada federaalka ah Foosiye Abuubakar Nuur oo ka hadlaysay daahfurka talaalka cudurka dabaysha ayaa shaacisay in dad kor u dhaafaya kun qof ay qabaan xanuunka juudaanka kuwaas oo baadhis lagu ogaaday xanuunka ka dib baadhis lagu sameeyey.dadku qaataan dawooyinka loogu tala galay.

 

Wasiirka caafimaadka dawlada federaalka ayaa sidoo kale sheegtay in dadka ugu badan ee xanuunkan laga helay ay ku nool yihiin gobolada Banaadir, labada shabeelle iyo gobolka Baay, waxaanay xustay inay ilaa hada wadaan baadhitaan lagu ogaanayo in dad ku nool gobolada kale ay qabaan xanuunkan.

Ugu dambayn wasiirka caafimaadka dawlada soomaaliya ayaa ugu baaqday dadka qaba xanuunkan inay tagaan goobaha caafimaadka si loola socdo xaaladooda isla markaana loo siiyo dawooyinka ay u baahan yihiin.