Madaxweynaha Somaliya oo Addis Ababa kula kulmay Madaxweynaha dalka Jabuutiiyo Arimaha Ay Ka Wada Hadleen.

0
Tuesday January 30, 2018 - 11:06:51 in by salman abdi
  • Visits: 604
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Somaliya oo Addis Ababa kula kulmay Madaxweynaha dalka Jabuutiiyo Arimaha Ay Ka Wada Hadleen.

    Madaxweynaha Somaliya oo Addis Ababa kula kulmay Madaxweynaha dalka Jabuutiiyo Arimaha Ay Ka Wada Hadleen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Somaliya oo Addis Ababa kula kulmay Madaxweynaha dalka Jabuutiiyo Arimaha Ay Ka Wada Hadleen.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa kulan muhiim ah la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, kadib Shir-Madaxeedkii Midowga Afrika , waxa ayna ka wada hadleen xiriirka labada dal.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku ammaanay Madaxweynaha Jabuuti dadaalka dib u heshiisiinta iyo nabadeynta uu ka qaatay Soomaaliya, ilaa haddana u taagan yahay.


Madaxweynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in la joogo wakhtigii dib loo dhisi lahaa Ciidamada Soomaaliya, Dowladdiisuna ay ka qayb qaadanayso oo weliba taageero dhan walba ah siin doonto Ciidamada Soomaaliya.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jabuuti ayaa sheegay in ay garab taagan yihiin mar walba Soomaaliya , wuxuuna ku ammaanay Madaxweyne Farmaajo dadaalka Nabadaynta iyo dib u heshiisiinta uu wado, iyo socdaalka uu ku maray deegaannada Puntland iyo Galmudug.