Hantidhawre mise Hantiboobe!

0
Tuesday January 30, 2018 - 17:27:21 in by salman abdi
  • Visits: 1002
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hantidhawre mise Hantiboobe!

    Hantidhawre mise Hantiboobe!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hantidhawre mise Hantiboobe!
Ugu horayntii bal aynu isweydiino waa maxay hantidhawre, se waa kuma ninka uu madaxweyne Muuse biixi Cabdi dhawaan umagacaabay hantidhawraha qaranka JSl?

Hantidhawre waa qof dhawrsoon oo naftiisa ka ilaaliya xoolaha umadda islamarkaana dadka kale ka ilaaliya.


Axmed Yuusuf Dirir oo aanu muddo dheer kasoo wada shaqaynay Dekedda Berbera, runtii waa nin ku caan baxay boobka & kutakri falka hantida umadda, waxa tusaale kugu filan qasriyada uu kadhistay Berbera & Hargeysa, sidoo kale waa nin ku caan baxay tacadiga & lunsiga xuquuqda shaqaalaha.

Axmed yuusuf dirir ka hor intii aanu noqon maareeyaha Dekeda Berbera ma baayac mushtar buu ahaa? Ma maalqabeen buu ahaa?
Mayee waxuu ahaa miskiin yar oo qadaa madhargaa oo dukaan yaroo jeeblaa kulahaa hotel cigidin dhinaciisa isla markaana xaafada moosko ee Berbera kadaganaa guri laba qola oo ay dawladu leedahay, reer Berberana ay si wacan uwada yaqanaan.

Mundane madaxweyne hadiiba arintu sidaasi ay tahay Axmed yuusuf dirir ma hanti bobaa mise waa hanti dhawre? Sideese loogu aamini karaa hantida qaranka?

Mundane madaxweyne waxaan ogahay inaad tahay masuul neceb musuqmaasuqa (Corruption), waxaanse filayaa inay aqoon la’aani kuu gaysay ninkan musuq maasuqu ragaadiyay inaad umagacawdo hantidhawre.

Ugu danbayntii mundane madaxweyne waxaan kugula talinayaa inaad fiiro dheer uyeelato oo aad history giisa dib uraacdo ninkan aad umagacawday hanti dhawraha qaranka JSL ee ay xaraanta & xalaashu isku midka uyihiin.

Wabilaahi tawfiiq.

W/Q:- Abdisalam Ali Mohamed
Muwaadin_69@hotmail.com
Columbus, Ohio, USA.