Taliyihii Ciidanka Nabad-galyada Waddooyinka Ee Gobolka Togdheer Oo Shil Baabuur Ku Geeriyooday

0
Wednesday January 31, 2018 - 11:19:54 in by salman abdi
  • Visits: 640
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyihii Ciidanka Nabad-galyada Waddooyinka Ee Gobolka Togdheer Oo Shil Baabuur Ku Geeriyooday

    Taliyihii Ciidanka Nabad-galyada Waddooyinka Ee Gobolka Togdheer Oo Shil Baabuur Ku Geeriyooday

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyihii Ciidanka Nabad-galyada Waddooyinka Ee Gobolka Togdheer Oo Shil Baabuur Ku Geeriyooday

Allaha Naxariistii jano haka Waraabiyee Taliyihii Ciidanka Nabedgelyada Wadooyinka Gobolka Togdheer, Marxuum Cabdilaahi Soo Fadhiiste ayaaxalay ku geeriyoodey Shil Baabuur kadib markii uu Baabuur ku jiidhey, agagaarkaHuteelka Cigaal isagoo gudanaya Waajibaadkiisa shaqo.

Marxuum Cabdilaahi Soo Fadhiiste Taliyihii Ciidanka Nabedgalyada Wadooyinka Gobolka Togdheer, waxa loola cararey Cusbitaalka Guud ee Magaalada Burco markii Baabuur Nooca loo yaqaan NOHA ku jiidhey agagaarka Huteelka Cigaal ee Magaalada Burco waxaana Cusbitaalka la geeyay caweysinkii isagoo dhaawac ah hase yeeshee,abaara 12:00 ayuu ku geeriyoodey Cusbitaalka Burco.

Ilaa iyo hada lama cadeyn karo sababta Shilkaasi u dhacey, uu ku Geeriyoodey Taliyuhu hase yeeshee,Ciidamada Nabedgalayada Wadooyinka ayaa gacanta ku haya baadhista Shilka.