Madaxwayanaha Soomaliland md:Muuse Biixi Cabdi Oo Tacsi Udiiray Eheladi iyo Qarabadi uu Ka Baxay Marxuun C/lahi Maxamed Farax [Soo Fadhiiste

0
Wednesday January 31, 2018 - 13:41:39 in by salman abdi
  • Visits: 583
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxwayanaha Soomaliland md:Muuse Biixi Cabdi Oo Tacsi Udiiray Eheladi iyo Qarabadi uu Ka Baxay Marxuun C/lahi Maxamed Farax [Soo Fadhiiste

    Madaxwayanaha Soomaliland md:Muuse Biixi Cabdi Oo Tacsi Udiiray Eheladi iyo Qarabadi uu Ka Baxay Marxuun C/lahi Maxamed Farax [Soo Fadhiiste

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxwayanaha Soomaliland md:Muuse Biixi Cabdi Oo Tacsi Udiiray Eheladi iyo Qarabadi uu Ka Baxay Marxuun C/lahi Maxamed Farax [Soo Fadhiiste

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Muuse Biixi Cabdi Isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi

Hargeisa 31.01.2018 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Muuse Biixi Cabdi Isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, Ciidamada qaranka Somaliland, gaar ahaan Ciidanka Booliska, ee uu ka baxay Alle ha u naxariisteeMarxuumDhamme Cabdilaahi Maxamed Faarax (Soofadhiiste)oo ku geeriyooday xalay oo ay taariikhdu ahayd 31/01/2018, magaalada Burco ee gobolka Togdheer, tacsi taa la mid ahna waxa uu madaxweynuhu u dirayaa waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay.

 

Marxuumka oo ahaa taliyaha qaybta taraafikada ee Togdheer ayaa ku geeriyooday shil gaadhi wakhti uu ku guda-jiraywaajibaadkiisa shaqo, gacantana ku hayey shil ka dhacay agagaarka cigaal Hotel ee magaalada Burco saacadihii danbe ee xalay, waxaanu madaxweynuhu marxuumka ku sifeeyey taliye hawlkar ah oo ka baxay qaranka iyo ciidamada booliska Somaliland, ahaana taliye ku dayasho mudan.

 

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo, Ciidamada qaranka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

 

AAMIIN AAMIIN AAMIIN.

 

Naasir Yuusuf Daahir

Agaasimaha Waaxda Saxaafadda Madaxtooyada JSL.