Xisbiyada qaranka somaliland oo siyaabo kala duwan uga hadlay wax ka qabashada sicir bararka iyo qodobadii ay xukuumaddu ka soo saartay.

0
Wednesday January 31, 2018 - 14:15:31 in by salman abdi
  • Visits: 545
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiyada qaranka somaliland oo siyaabo kala duwan uga hadlay wax ka qabashada sicir bararka iyo qodobadii ay xukuumaddu ka soo saartay.

    Xisbiyada qaranka somaliland oo siyaabo kala duwan uga hadlay wax ka qabashada sicir bararka iyo qodobadii ay xukuumaddu ka soo saartay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xisbiyada qaranka somaliland oo siyaabo kala duwan uga hadlay wax ka qabashada sicir bararka iyo qodobadii ay xukuumaddu ka soo saartay.
Xisbiyada Qaranka Somaliland ayaa siyaabo kale duwan uga hadlay qodobadii iyo go’aamadii ay Xukuumaddu ka soo saartay sicir bararka, in wax lagaga qabto, labada Xisbi Mucaarad waxay tilmaameen in qodobadani yihiin qodobo aan waxba sicir bararka lagaga qaban karin, qodobadii loo baahna inay Xukuumaddu keentana aanay keenin, halka Xisbiga Kulmiye uu xusay inay Xukuumaddu wax ka qabanayso sicir bararka.
 
 
 
 



 
 
 
 
 
 
 
 
Xoghayaha Xisbiga UCID Eng Axmed Xirsi Ducaale, Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Waddani Cismaan Afgaab Nuur iyo Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye Jaamac Ismaaciil Cige, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Waddani Cismaan Afgaab Nuur isagoo ka hadlaya sicir bararka iyo qodobada ay Xukuumaddu ka soo saartay ayaa yidhi "Qaabka ay Xukuumaddu u raacday Sicir bararka iyo qodoba ay ka soo saartay maaha qaar wax lagaga qaban karo Sicir bararka, sababta oo ah maanta waxa wax lagu kala iibsadaa waa Doolar, markaas madaama qof kasta oo wax iibinayaa uu Doolar ku iibinayo, oo shilinkeenii laga door biday lacagta Doolarka ah, waxaan is leeyahay lacagta Mobilka lagu sito, ee lacagta Jeebka lagu sito ayey la mid tahay, ismana lihi wax badan bay ka bedelaysaa sicir bararka qodobadan ay soo saareen, imana muuqato siday wax uga bedelayso, dadka aqoonta u leh dhaqaaluhuna wey sadaalinayaan in wax badan aanu iska bedelayn sicir bararka, Xukuumaddana, Xukuumaddihii hore wixii ay ka soo saartay sicir bararka ayey ku celisay, Xukuumaddii hore waddadii ay martay ayey Xukuumaddana martay, waxba kumay dawoobin markii hore, sababtuna maaha lacagta uu qofku jeebka ku haysto sicir barar ma keento, laakiin sicir bararka waxa keenay lacagtan badan ee la soo daabacayo, mushahar kastana lacag ayaa la soo daabaca, waxaana leeyahay Xukuumadda lacagta aad soo daabacayso marka aad joojiso ayaa sicir bararkuna hoos u dhacaya, lacagta cashuurta ah ee doolarka lagu qaadana ha la joojiyo oo dhammaan cashuuraha lacagta Somaliland ha lagu qaado, dadkuna ha joojiyaan lacagtan doolarka ah ee ay wax ku iibinayaan oo shilinka Somaliland wax ha ku iibiyaan, talaabooyinka ay Xukuumaddu is leedahay wax kaga qabo sicir bararkana waxaan qabaa inay yihiin talaabooyin fashilmaya, oo wax badan ma soo kordhin doonaan, maalmaha soo socdana haddii ALLE idmo weynu eegi doona siday wax noqdaan, waxyaabo badan oo aan manfac lahayn inay cashuurta ku kordhiso wey fiican yihiin, sida sigaarka iyo qaadka, iyo waxyaabaha la midka ah, laakiin ma haboona in cashuur la iska kordhiyo, laakiin waxa haboonayd in si fiican wax loo darso, oo si aqooni iyo taxadir ku dhisan yahay wax lagu kordhiyo,”
 
 
 
 
 
 
Xoghayaha guud ee Xisbiga UCID Eng Axmed Xirsi Ducaale ayaa isna yidhi isagoo ka hadlaya sicir bararka iyo go’aanka ay Xukuumaddu ka soo saartay "Arinta sicir bararka oo uu yimid, iyadoo jirta, kana sii dartay intii uu Madaxweynuhu joogay, iyo dawladdan cusubi sida go’aanadii ay shalay (doraad), soo sareen, ay sheegayaan waxaanu aaminsan nahay in wax badan ay ka tageen oo Sicir bararka ah, waxa ka muuqata Guddida uu Madaxweynuhu u diray in aanay daarasad khibradnimo aanay u ahayn qaabka ay xalka u soo saareen, waxyaabaha ay ka tageen ee ka Xisbi ahaan doonayno in aanu tilmaano iyagana toosin uga dhigayna, umadda reer Somaliland aanu doonayno inay wax ka qabtaan cid kasta oo wax ka qaban kartaa, wax ka mid ah kala iibsiga, Tijaarta dalku, ee wax laga iibsado ama iyagu wax soo iibsada, ee Ganacstada ahi waxay wax ku iibsadaan waa doolar, arintaas Madaxweynaha iyo Dawladdiisu may soo qaadin, Guddiduna may soo qaadiin, dukaamada iyo dhul kasta oo aad tagto waxa wax lagu iibsadaa waa doolar,arintaas waxaan leeyahay Dawladdu wax ha ka qabto, Ganacstada reer Somaliland dib ha ugu noqdaan oo ha eegaan, arinta kale ee aanu is leenahay uu ka tagay ee u baahnayd in la ishaaro waxa weeye sarifka doolarka ee ay Itoobiya ku qaadato lacagta qaadka, oo muddo aan badnayn ka hor la inagu soo rogay, in sarif doolar ah aynu ku bixino lacagta, taas oo tobaneeye baan ay Itoobiya uga furatay Wajaale dhinciisa ay Itoobiya maamusho, banaankaas oo meesha loo keenay in doolarka Somaliland ka imanayo lagu shubo, qaadka dhabal ayaa la yidhi Guddidii soo saartay ay kaga dhigtay, laakiin waxaanu aaminsan nahay lacagta doolarka ee lagu iibinayo qaadka, ama waa in qaadka lagu iibiya lacagta Somaliland ama sidii ay haan jirtay waa inay Bir Itoobiya ku qaadataa, oo aanay inagu qasbin, inay cashuurta ku qaado, arimahaas iyo kuwa kale oo runtii u baahnaa in dad khibrad leh dhaqaalaha in lagala tashado, wey ka tagtay Dawladdu waxaana leenahay dib ha loogu noqdo”
 
 
 
 
Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel), oo isna aanu arintan wax ka weydiinay ayaa sheegay inuu qabo in Xukuumaddu wax ka qaban doonto sicir bararka, waxaanu yidhi "Waanu ka dhursugaynaa wixii natiijo ah ee ay Xukuumaddu ka soo saarto sicir bararka, inay Xukuumaddu wax ka qabto waxna ka tarto sicir bararkana waanu rajaynaynaa”