Uganda oo la wareegtay hoggaanka Taliska ciidanka Midowga Afrika Amisom

0
Thursday February 01, 2018 - 10:39:59 in by salman abdi
  • Visits: 508
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Uganda oo la wareegtay hoggaanka Taliska ciidanka Midowga Afrika Amisom

    General Cusmaan Nuur Subagle oo ahaa Taliyihii Ciidanka Midowga Afrika ee Amisom ayaa xilka ku wareejiyay Gen. Jim Besigye Owoyesigire oo noqonaya Taliyaha cusub Ciidanka Amisom ee Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

General Cusmaan Nuur Subagle oo ahaa Taliyihii Ciidanka Midowga Afrika ee Amisom ayaa xilka ku wareejiyay Gen. Jim Besigye Owoyesigire oo noqonaya Taliyaha cusub Ciidanka Amisom ee Soomaaliya.


Munaasabadda xil wareejinta oo ka dhacday xarunta ugu weyn Amisom ee Muqdisho (Xalane) ayaa waxaa xilka ku kala wareegay General Subagle oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Jabuuti iyo Gen. Jim Besigye Owoyesigire oo u dhashay dalka Uganda.


Gudoomiyaha Midowga Afrika u qaabilsan Howlgalka Amisom Ambasaddor Francisco Madiera, Saraakiil ka tirsan Ciidanka Amisom iyo Saraakiil Dowladda Federaalka ka tirsan ayaa goob joog ka ahaa Munaasabadda xil wareejinta, oo jawi wanaagsan ku soo dhamaatay.

Gen. Subagle oo Munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay inuu aad uga shalaynayo isaga oo aanan Al-shabaab ka xureyn dalka inuu xilka wareejiyo, balse wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyay in ay shaqada sii wadi doonaan Taliska cusub ee Amisom.

Gen. Jim Besigye Owoyesigire oo dhankiisa goobta ka hadlay ayaa sheegay in Subagle iyo Ciidanka Amisom ay soo qabteen shaqo adag, hadana uu rajeynayo in shaqada halkeeda uu ka sii wado, wuxuuna Midowga Afrika ka dalbaday in ay kordhiyaan taageerada Amisom.