Agaasimeyaal Xukuumadii Hore Ka Tirsanaa Oo Wali Shaqaynaya Iyo Fadeexad Ka Taagan Wasaarad Laba Agaasime Yeelatay.

0
Thursday February 01, 2018 - 11:42:09 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Agaasimeyaal Xukuumadii Hore Ka Tirsanaa Oo Wali Shaqaynaya Iyo Fadeexad Ka Taagan Wasaarad Laba Agaasime Yeelatay.

    Agaasimeyaal Xukuumadii Hore Ka Tirsanaa Oo Wali Shaqaynaya Iyo Fadeexad Ka Taagan Wasaarad Laba Agaasime Yeelatay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Agaasimeyaal Xukuumadii Hore Ka Tirsanaa Oo Wali Shaqaynaya Iyo Fadeexad Ka Taagan Wasaarad Laba Agaasime Yeelatay.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaan wali magacaabin qaar ka mid ah agaasimayaasha guud ee wasaarado muhiim ah,Madaxweyne Muuse Biixi ayey muuqataa inay wali qabyo ka yihiin masuuliyiintii uu ugu tala galay inay dhaqaajiyaan siyaasada xisbiga Kulmiye ee ka hawl gali lahaa wasaaradaha dalka, Iyada oo ay shaqada ugu badan ee wasaaradaha dalka ay dhaqaajiyaan agaasimayaasha guud ee wasaaraduhu ayaa waxa agaasimayaal cusub u magacaabay wasaarado hawlo muhiim ah u haya qaranka iyada oo ay sii shaqaynayaan agaasimayaashii xukuumadii hore ee madaxweyne Siilaanyo.

Madaxweyne Muuse Biixi oo magacaabay qaar ka mid ah agaasimayaasha wasaaradaha dawlada ayaan cadayn inuu sii cusboonaysiiyey shaqada agaasimayaashii horeka hawl galaye y wasaaradaha aanu u soo magacaabin xubno cusub, Sidoo kale wasaaradii uu madaxweyne Muuse Biixi baabiiyey ee kaluumaysiga iyo khayraadka bada ayaa agaasimeedii guud waxa uu haatan shaqo joogto ah ka hayaa wasaarada xanaanada xoolaha oo la hoos keenay wasaarada uu xilka ka hayey ee la baabiiyey.Wasaarada xanaanada xoolaha ayaa haatan ah mid ay ka hawl galayaan laba agaasime guud, iyada oo agaasimihii wasaaradii kaluumaysiga Fu,aad Cabdisalaan uu ku doodayo inuu ka hawl galayo wasaaradaasi, halka uu shaqadiisii caadiga ahayd wato Agaasimaha guud ee wasaarada xanaanada xoolaha Cabdi Axmed Nuur(Cabdi Guray).


 

 

Sidoo kale halkan kaga bogo wasaaradaha ay ka hawl galayaan agaasimayaasha xukuumadii hore.

1. Wasaarada arimaha gudaha

2. Wasaarada arimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah

3. Wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada

4. Wasaarada gaashaandhiga

5. Wasaarada horu marinta maaliyada

6. Wasaarada xidhiidhka goleyaasha iyo arimaha dastuurka

7. Wasaarada isgaadhsiinta iyo Technology-yada( Wuu banaan yahay).

8. Wasaaradii la baabiiyey ee madaxtooyada

9. Wasaarada macdanta iyo tamarta

10. Wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha

11. Wasaarada warfaafinta, dhaqanka iyo wacyi gelinta

12. Wasaarada xanaanada xoolaha