Qaybtii 8 aad Sheekadii Fidinta Cudurka Jeegaanta ee Denbiga looga dhigaayo dadkeena qaar waa Maydhane iyo Mooge.

0
Thursday February 01, 2018 - 13:47:47 in by salman abdi
  • Visits: 927
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaybtii 8 aad Sheekadii Fidinta Cudurka Jeegaanta ee Denbiga looga dhigaayo dadkeena qaar waa Maydhane iyo Mooge.

    Qaybtii 8 aad Sheekadii Fidinta Cudurka Jeegaanta ee Denbiga looga dhigaayo dadkeena qaar waa Maydhane iyo Mooge.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaybtii 8 aad Sheekadii Fidinta Cudurka Jeegaanta ee Denbiga looga dhigaayo dadkeena qaar waa Maydhane iyo Mooge. Maydhane. Waxay moodayaan Jeegaantu in aanu laba xil oo yar yar aanu ku noqonayno Muxaafid. Mooge. Sawdgii lahaa Burco Jeegaan ayaa xukunta oo Gudoomiyaha Gobolka Togdheer waa Ramaax Cali Hayste oo waa ayagii. Hadii mid Dhabta Libaaxa ah la keenayna maxaad odhan? Maydhane. Waa Jaariyad ayagu ay ku shaqaysanayaane ma anaga ayaad moodaysaa? Waar haduu ilma xallaal asal ah yahay Waddani ayuu ka mid ahaan lahaa. Waa bilaa damiir ninka Jeegaanta u shaqaynayaa isaga oo dhabta Libaaxa ka dhashay oo Laan Dheere ah. Mooge. Waar inader dee waad fogaateen. Ma saxbaa in dadka Somaliland ama Dalkooda u shaqeynaya aad ku sheegto Jaariyad cid u shaqaynaysa? Marka hore Jaariyadu waa shaqo ka mid ah shaqooyinka, ee ceeb ha u qaadan Saaxiib. Marka labaad waxaad u hadlaysaa in aanad Dalka waxba ku lahayn oo qariib aad tahay. Marka aad sidaas u hadasho wax ayaad isu dhimaysaaye ogow in aanad cidna waxba ku yeellahayn. Maydhane. Hadii ay ka dhabtahay Muuse in uu Dhabta Libaaxa Cad koodii siiyo , wuu garanayaa waxa aanu geyno. Mooge. Waar goorma ayaad ilowday tii inaga dhaxaysey? Goorahanba dhabta Libaaxa ayuunbaan xaqeedii Raadinaysaaye. Maxaynu ka yeellnaa Galxidigaale isaga? Maydhane. Waar kaas waad ogayd oo marka horeba wanaag kamaan filayne, maxaad iga xasuusinaysaa waan is dhaafinayaye. Mooge. Sawdigii shallay lahaa Suldaanka guud waa Assal oo Ducadiisa iyo habaar kiisuba way kacaan. Ma kolba sida aad adigu doontaa? Marka aad rabtana waa ehlu jano. Marka uu adiga kaa hor yimaadana, waa naf la,aan? Maydhane. Waar hada xaga Qurbo jooga Garxajis uun bal aan midayno kuwaas ayaa dhaqaallena laga hellayaaye. Mooge. Horta waxan Garxajis ku dhacay ee aad ka rabtaan muxuu yahay? Ma Faal ayaa idiin qabtay Magacan inader ileen hore laydiin kama maqli jirine? Sidaanu Xisbi Callan Orange ah iyo hees macaan kuugu ogayn ayuunbaad mar qudhaata u xuub siibatay Qabiil Garxajis la yidhaa oo aan wada soconin. Miyaanad ogayn in Garxajis daawo Siyaasadeed lehi adeer aanu jirin? Miyaanad ogayn in dadka aanad ka caqli badnayn? Miyaanad ogayn in aan dadka aanad u wada garaaci karin heestan qabiilka ah ee weliba aad gawdh gawdheyso ee aanad sida loogu luuqeeyo xitaa aanad garanahayn. Ma Jabhadbaa aad rabtaan inaad London kaga dhawaaqdaan, sidii Martin kii yidhi Maraykan ayaan kaga dhawaaqay Madaxweynaha Qallaamo rogodka iyo Jaabadaanta. Maydhane. Hadii intaanu Yurub iyo Markaynka midayno aanu isku laba rogi wayno, Maradaan ku jiro Nin kuma jiro. Mooge. Waar wixiinuba waa sheekadii Awdal State oo kale. Waar inader tuhunka ha iska qaadina, oo idinku waa is Baabbiiseene anagana ha na sahayanina. Maydhane. Waad arki ta dhacda. Walahi in dhakafaartaa Jeegantu. Mooge. Waar niyaw cidina dhakafaari mayso oo anigaa ayaa og. Waaba lagaa Xaraabaystaa adiguna waxaad isu haysataa wax bellaayo ka dhacday. La hubsayoo Gorayo haad bay noqotay. Maydhane. Waxay u haystaan Gudoomiye Gobol iyo Afhayeen yar oo Caantayn ah in ay wax naga qaadayaan. Adeer anagu Qollotaynkii waanu dhaafnay. Ma waxaad na moodaysaa sida Moogayaasha ku qancay Wasiirka Maaliyada iyo Baanka. Mooge. Niyaw labadaas Xil Carabkaba kama dhigtaan, oo waxaa tidhaahdaan anaga ayey nagu wanaagsanaayeen. Markaa waxanba waxaa u samaynaysaan ma intaas uun baa inader? Maydhane. Marka horeba saw labada Xilba Anagu maanu hayn jirin. Miyaad taas ogayn horta Moogow? Mooge. Sawtii Shallay Samsam wareejisay, daraadna Wasiir Samaale uu wareejiyey. Miyaad isku dhex yaacday oo Xanuun kii Doorashada ayaa ku madax maray? Maydhane. Waar miyaad ilawday Am Cawil iyo Ninkii Reer Ceerigaabo ee Baanka haystay? Moooge. Horta Xisbigii Waddani Doorka danbe yeynu ka sharaxnaa Ma Cabdqadir Jirde? Maydhane. Anaay, oo adeer maxuu noolla yimi Tiinbaro ayaa ka qaaday Codkii Muuse Abokor iyo maca Arab Galbeed oo dhan. Waar Doorkan Xirsi Cismaan ama Ingiriis Care ayuun baanu ku aamini karnaa. Waar Cirro waanu ka fadhiisinaynaa hadaanu Reer Waddani nahay. Mooge. Anagu Cirro ayaanu taageersanahay. Waayo waa Siyaasi Khatar cadiim ah oo adiga ayaa sidaas hore noogu yidhi. Ninyaw mida kale Cirro waaba Xaraabe. 

 La soco Qaybaha danbe.........? 

 Qalinkii Ibraahim (Xabbo)