Mareykanka oo sheegay Trump diyaar u yahay tallaabo milatari oo ka dhan ah xukuumadda Suuriya si looga hortago weerarro kiimiko ah.

0
Friday February 02, 2018 - 11:16:56 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka oo sheegay Trump diyaar u yahay tallaabo milatari oo ka dhan ah xukuumadda Suuriya si looga hortago weerarro kiimiko ah.

    Saraakiil sare oo dowlada Mareykanka ayaa sheegay in madaxweyne Donald Trump diyaar u yahay in uu qaado tallaabo militari oo ka dhan ah xukuumadda Suuriya haddii loo baahdo ka dib tuhun ku aadan inay suurtogal tahay in maamulka Bashar al-Assad ay soo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saraakiil sare oo dowlada Mareykanka ayaa sheegay in madaxweyne Donald Trump diyaar u yahay in uu qaado tallaabo militari oo ka dhan ah xukuumadda Suuriya haddii loo baahdo ka dib tuhun ku aadan inay suurtogal tahay in maamulka Bashar al-Assad ay soo saaraan noocyada cusub ee hubka kiimikada.



Masuuliyiinta Maraykanka ayaa sheegay in xukuumadda Bashar al-Assad ay keydsadeen qayb ka mid ah hubka kiimikada, inkastoo heshiiska Marayka iyo Ruush-ka uu ahaa in Damascus ay ku heshiiyeen inay hubka noocaas oo kale ah soo wada gudbiyaan.

 


Xukuumadda Suuriya ayaa wareejisay hubkeeda kiimikada sanadkii 2014-ka iyada oo loo marayo howlgallo wadajir ah oo ay hoggaaminayeen Qaramada Midoobay iyo Ururka Mamnuucidda Hubka Kiimikada (OPCW), oo kormeeray burburinta hubka. Heshiiskaasi ayaa waxaa garwadeen ka ahaa Ruushka iyo Maraykanka.


Saraakiiisha Maraykanka ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada Suuriya ay sii wadeen hubka kiimikada, isla mar ahaantaasna ay marar badan isticmaaleen iyaga oo adeegsanaya tiro yar tan iyo bishii Abriil 2017. Laakiin diiday inay bixiyaan faahfaahin gaar ah.