Trump oo ka digay in aan la carqaladeyn baaritaanka lagu waddo dowrkii Ruushka

0
Saturday February 03, 2018 - 11:17:05 in by salman abdi
  • Visits: 496
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Trump oo ka digay in aan la carqaladeyn baaritaanka lagu waddo dowrkii Ruushka

    Trump oo ka digay in aan la carqaladeyn baaritaanka lagu waddo dowrkii Ruushka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Trump oo ka digay in aan la carqaladeyn baaritaanka lagu waddo dowrkii Ruushka

Xubno sarsare oo ka mid ah xisbiga Dimoqaraadiga ayaa uga digay madaxweyne Trump in uusan u adeegsan warqada rasmiga ah ee uu muranku ka taagan yahay "cudur daar " uu shaqada uga eryo la taliyaha gaarka ah ee baaraya eedeymaha la xiriira faragalintii Ruushku ku lahaa doorashada Mareykanka.

Waxa ay ka digeen in tallaabada noocaasi ah ay dhalin karto dhibaato dhanka sharciga ah oo aanan dhicin tan iyo xiligii Nixon era.

Waxaa ka taagan magaalada Washignton khilaaf xooggan oo ka dhashay dukumenti ku eedeynaya hay'adda sirdoonka Mareykanka ee FBI-da inay ku xadgudubtay awoodeedda kaddib baaritaan ay ku sameyneysay in kooxdii ololiha Trump ee doorashadii Mareykanka uu xiriir kala dhaxeeyay Ruushka.

Dukumentiga oo ay qoreen gudiga sirdoonka xisbiga Jamhuuriyiinta ayaa ku eedeeyay hay'adda mukhaabaraatka Mareykanka ee FBI-da inay adeegsadeen cadeymo aanan la xaqiijin si ay jaajuusaan kaaliyaha madaxweyne Trump.

Balse haya'adda FBI-da ayaa dukumentigaasi ku tilmaantay mid aan saxneyn.

Lataliyaha gaarka Robert Mueller ayaa hoggaaminaya baaritaanka lagu hayo xiriirka ka dhaxeeyay Ruushka iyo ololihii doorashada TrumpLahaanshaha sawirkaREUTERS
Image captionLataliyaha gaarka Robert Mueller ayaa hoggaaminaya baaritaanka lagu hayo xiriirka ka dhaxeeyay Ruushka iyo ololihii doorashada Trump

Xubnaha Dimoqaraadiyiinta ayaa sheegay in tani ay tahay dadaal lagu wiiqayo baaritaanka ee taliyaha gaarka ah ee Robert Mueller.

Madaxii hore ee hay'adda dhexe ee sirdoonka CIA Mareykanka,Leon Panetta, ayaa sheegay inuu rumeysan yahay in warbixintaan lasii daayay ay sumcad xumo aad u weyn u geysan doonto isbaheysiga labada xisbi ee dhanka kormeerida macluuumaadka ah.

Leon Panetta, waxa uu ka digay in arrintani ay hakin doonto wadashaqeyntii ka dhaxeysay labada xisbi ee dhanka is dhaafsiga macluumaadka sirta ah ayna dhiirigalin karto cadowga Mareykanka.

Aqalka Congreska ee Mareykanka ayaa daabacay warqad ku eedeyneysa hay'adda mukhaabaraatka FBI-da Mareykanka inay ku takrifashay awoodeedda oo ay ku basaastay ololihii madaxweyne Trump..

Warqadan ayaa lagu sheegay in lanta sirdoonka FBI-da Mareykanka ay adeegsatay warbixin loo isticmaalay cadeymo been abuur ah si ay u helaan damaanad ay kula socdaan dhaqdhaqaaqa la taliyaha madaxweyne Trump ee Carter Page, oo xiriir dhaw la lahaa Ruushka.


Xisbiga Dimqoraadiga ayaa ku gacan seeray qorshaha lagu shaaciyay warqadani, balse xilibaan katirsan xisbiga Jamhuuriga, kana mid ah guddiga sirdoonka Mareykanka Matt Gaetz, ayaa difaacay shaacinta warqadani.