Sucuudiga iyo Imaaraadka Oo ka wadahadlay sidii loo joojin laha khilaafka u dhaxeeya dagaalyahanada ay taageeraan labada dhinac ee dalka Yemen.

0
Saturday February 03, 2018 - 11:17:05 in by salman abdi
  • Visits: 449
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sucuudiga iyo Imaaraadka Oo ka wadahadlay sidii loo joojin laha khilaafka u dhaxeeya dagaalyahanada ay taageeraan labada dhinac ee dalka Yemen.

    Sucuudiga iyo Imaaraadka Oo ka wadahadlay sidii loo joojin laha khilaafka u dhaxeeya dagaalyahanada ay taageeraan labada dhinac ee dalka Yemen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sucuudiga iyo Imaaraadka Oo ka wadahadlay sidii loo joojin laha khilaafka u dhaxeeya dagaalyahanada ay taageeraan labada dhinac ee dalka Yemen.

Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta ayaa ugu baaqay dagaalyahannada dawlada Yemen iyo kooxda gooni u goosadka koonfurta dalka Yemen inay diiradda saaraan dagaalada ay kula jiraan dagaalyahanada Houthiyiinta, iyagoo isku dayaya in ay soo afjaraan khilaafka u dhaxeeya labada dhinac ee magaalada Cadan.


Qolyaha gooni u goosadka koonfurta dalka Yemen oo ay taageerto dowladda Imaraatka ayaa la waregeen gacan ku heynta inta badan magaalada dekedda ee Cadan oo xarun u aheyd dowladda caalamka uu aqoonsayahay ee madaxweyne Abdrabbuh Mansour Hadi.



Dagaalyahanadan ayaa la wareegay goobo ku hareeresan aqalka madaxtooyada, inkastoo aysan gudaha u gelin dhismaha horaantii todobaadkan, ka dib markii ay isku dheceen ciidamada dawladda.


Talaabadani ayaa dhaawaci karta xiriirka u dhaxeeya Sucuudi Carabiya, oo dhaqaale iyo hub siisa dawladda Yemen, iyo Imaaradka oo si toos ah u siisa gargaar maaliyad iyo militari Golaha ku meel-gaarka ah ee Koonfur-Galbeed iyo maleshiyaadka hubaysan.


Masuuliyiinta dawladda Yemen ayaa ku eedeeyay xukuumadda Emirati inay geyso diyaaradaha dagaalka ah si ay uga caawiyaan dagaalyahannada gooni u goosadka.