Qaramada Midoobay oo ku eedeysay K/ Waqooyi inay jabisay cunaqabateynta caalamiga ah ee saaran

0
Saturday February 03, 2018 - 11:17:05 in by salman abdi
  • Visits: 442
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaramada Midoobay oo ku eedeysay K/ Waqooyi inay jabisay cunaqabateynta caalamiga ah ee saaran

    Qaramada Midoobay oo ku eedeysay K/ Waqooyi inay jabisay cunaqabateynta caalamiga ah ee saaran

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaramada Midoobay oo ku eedeysay K/ Waqooyi inay jabisay cunaqabateynta caalamiga ah ee saaran

Warbixin ay soo soo saareen guddi khubaro ah oo katirsan Qaramadda Midoobay ayaa lagu sheegay in kuuriyadda Waqooyi ay allaabta ay dibedda u dhoofiso ka hesho lacag gaaraysa laba boqol oo milyan oo doolar, waxayna intaa ku dareen in dalkaasi uu ku xadgudbay cunaqabateynta caalamiga.

Warbixintan oo loo gudbiyay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sidookale lagu sheegay in dhowr waddan oo ay kamid yihiin, Shiinaha, Ruushka iyo Maleesiya ay ku guuldareysteen inay wax ka qabtaan dhoofinta badecooyinka sharci darrada ah ee Kuuriyad waqooyi.

Warbixinta ayaa ku eedeneysa xukkumada Pyongyang in sidookale ay hub u dirtay dalalka Suuriya iyo Myanmar, waxaana lagu eedeyay inay ku xadgudubtay xeerka cunaqabatynta caalamka.

Kormeerayaashan ayaa sidookale baaritan ku sameeyay inkabadan labaatan Markab oo dhuxul u siday dalalka jaarka la ah kuuriyada waqooyi. Safiirka Myanmar u fadhiya Qaramada midoobay oo ka jawaabaya eedeymahaasi ayaa sheegay in dalkiisa uusan xiriir hub kala iibsi ah uusan la laheyn Kuuriyada waqooyi.

Warbixinta waxaa kale oo ay sheegeysa in dhowr shirkadaha shidaalka caalamiga uu ku socda baaritaan ku aadan dowrka ay ku leeyihiin shiidaal siinta Kuuriyada waqooyi.