"Anagu Gaajo Dartii Ayaanu U Ugaadhsana Warabihii Xoolaha Cuni Jiray Xukumadna Waxba Nagama Oga" Dadka Ku Dhaqan Deegaanka Murayada Ee Gobolka Buhoodle.

0
Saturday February 03, 2018 - 13:04:36 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Anagu Gaajo Dartii Ayaanu U Ugaadhsana Warabihii Xoolaha Cuni Jiray Xukumadna Waxba Nagama Oga" Dadka Ku Dhaqan Deegaanka Murayada Ee Gobolka Buhoodle.

    Shabakada Wararka Ee Afkashacabka Oo Socdaal Ku Dhisan Xaqiiqo Raadin Ku Saabsan Abaaraha Ka Jira Deeganada Teedsan Gobolka Togdheer Iyo Gobolka Buhoodle Ku Tagay Goboladaasi Ayaa Kale Kulmay Xalado Abareed Oo Kale Duwan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shabakada Wararka Ee Afkashacabka Oo Socdaal Ku Dhisan Xaqiiqo Raadin Ku Saabsan Abaaraha Ka Jira Deeganada Teedsan Gobolka Togdheer Iyo Gobolka Buhoodle Ku Tagay Goboladaasi Ayaa Kale Kulmay Xalado Abareed Oo Kale Duwan.


 

Deegaanka Murayadda Oo Ka Mida Deeganadda Ay Maamusho Gobolka Buhoodle,Ayaa Ka Dayriyay Xaaladooda Nolaleed,Sidoo Kalena Ka Waramay Abaartii Baabisay Xolahoodi Ee Dhacday Sanadkii Dhawayd Ee Loogu Magacdaray Sima Oo Iyaga Ay Wali Hayso ,

Dadka Deegaanka Murayadda Ku Dhaqan Ayaa Sheegay In Anay Heelin Roobabkii Kale Duwana Ee Da,ay Guga Iyo Dayartaba Taasina Ay Keentay Inay Xaladoodu Ay Ku Sugnaato Mid Adag Oo Ay Ku Hareeraysan Yihiin,Biyo La,aan,Baad La,aan, Iyo Xoolo La,aan.

Dadkani Ayaa Eedo Kulul Ujeediyay Gudidii Abaaraha Ee Loo Xilsaaray Samotabixinta Iyo Dib U Xoolayinta Dadkii Abaraha Adagi Sameeyeen,Taasi Oo Ku Tilmaameen Gudi Meel Qudha Saartay Shaqadii Loo Xilsaray,Isla Markaana Anay Cagta Soo Dhigin Deegaankooda Oo Ay Ku Noolyihiin Dad Ka Badan Shanbaqol Oo Qof.

Oday Ka Mida Dadka Wayeelka Ee Deeganka Murayadda Ku Sugnaa Ayaa Hadalkiisa Ku Biilabay Sidan”Warbaahinta Waan U Mahadnaqayaa Waxana U Oomanayn Warbaahin Naga Gudbisa Xaladayadda Nolaleed Oo Aan Ka Qatanayn Markaa Waxaan Iidin Sheegayaa In Deegaanka Murayada Oo Maamulkiisa Hoostaga,Gobolka Buhoodle Ay Ku Noolnahay Xalad Adag Oo Abaartii Sanadkii Dhawayd Dhacday Ay Anaga Wali Na Hayso,Oo Robabkii Kale Duwana ee Da,ay Anay Na Helin Ee Biyo Dhigtay Deegaano Badan Oo Aanu Ku Suganahay Xaalad Adag Oo Sababtay Inaan Ugaadhsano Warabihii Cuni Jiray Xoolihii Aanu Dhaqan Jirnay Oo Aan Muqmadaysano Hilibkiisa Oo Xukumaduna Waxba Nagama Oga.” Ayuu Yidhi.

 

Hadaba Xukumada U Majaraha U Hayo Madaxwaynaha Muuse Biixi Cabdi Iyo Gudida Abaraha Loo Xilsaaray Ayaa Dadka Ku Sugan Deegaanka Murayadda Iyo Deeganadda Abaraysani Ay Ka Warsugayaan Inay U Soo Gurmadaan Dadkani Oo Sheegay Inay U Codayeen Madaxwaynaha Hada Taladda Haya.