Laba Hablood Oo Walaalo Ah Oo Baaq U Diray Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi Iyo Ujadada Baqoodu Daaranyahay

0
Saturday February 03, 2018 - 14:36:37 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Laba Hablood Oo Walaalo Ah Oo Baaq U Diray Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi Iyo Ujadada Baqoodu Daaranyahay

    Laba Hablood Oo Walaalo Ah Oo Baaq U Diray Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi Iyo Ujadada Baqoodu Daaranyahay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Laba Hablood Oo Walaalo Ah Oo Baaq U Diray Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi Iyo Ujadada Baqoodu Daaranyahay Aasiya Biindhe Qulunbe Iyo Nawaal Biindhe Qulunbe oo ka mida Qurbo-joogta reer Somaliland ee ku dhaqan dalka Canada, ayaa Baaq u diray Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, Maxkamadda sarre iyo Guddida Caddaalada Somaliland, iyagoo ka codsadday in Dhul Aabahood uga tagay uu si badheedh ah ugu haysto Ganacsaddaha Khadar Ambassador.

Labaddan Hablood ee Walaalaha ah oo Qoraal cabasho ah soo gaadh-siiyay Warbaahinta Hadhwanaagnews, ayaa waxay bahda Maxkamadda sarre iyo Guddida Caddaalada ka dalbaddeen in Dacwaddooda hoos loo eeggo, waxaannay sheegeen inaanay fahmayn dhaqanka iyo qaabka Dacwaddaha dalka gudihiisa, sidaa aawaddeed uu ka faa’iidaysannaayo Khadar Ambassador oo ay sheegeen inuuuga faro-dhuudhuubban yahay dhinaca Garsoorka iyo Maxkamaddaha dalka, waxaannay Cabashaddoodu u dhignayd 
sidan:- Ku:-Madaxweynaha Somaliland Ku:-Guddoomiyaha Maxkamadda sarre ee Somaliland Ku:-Guddida Caddaalada Somaliland Ujeeddo:-Cabasho Dulmi "Annagoo ah Agoonta Ilma Biindhe Qulumbe, waxaannu ka cabanaynaa oo dalka Somaliland iyo Sharciga hoostiisa nagu dulmay Mulkiillaha Hotelka Ambassador Khadar, kaasoo dhul ku yaalla Hotel Star waqooyigiisa oo Aabbahay iibsadday 1980-Kanna iibsadday Nin U-Gaadh Cumara. Kadib markii Aabahayo dhintay, Walalkaygii u weynaa oo Faallig ku dhacay ayuu Khadar Ambassador 2013-kii Waraaqo u sameeyay dhulkii, waxaannu Dhulkii ku qoray Walaalkayagaa Xanuusannaaya, taasoo uu ugu talo-galay in Dhaxalka uu ka saarro, meesha dhulkanna ku sheego Inankaa Xanuusannaaya oon waxba kala ogayn, taasoo uu uga jeeddo inuu Hantidda qaato isagu waa Khadar Ambassador’e.

 Hadda dhulka waa la Iibiyay, Lacagtii Khadar ayaa Haya Hadda. Annagu waxaan ku Dhalanay Qurbaha, markaan tagnay wuxuu nagu yidhi Dhulka wax uu Walaalkayo ugu tudhaayo uga Wakiilna ahay, Lacagtanna isagaan u hayaa. Maaha wax uu Walalkayo ugu tudhaayo ujeedadu waa innuu Lacagtaa qaato isagu waa Khadarre. Hadda Dacwad ayaa socota isagaa nala dooddaaya oo Xaqii Aabahayo doonnaaya innuu Inankaa Buka ee uu Magaciisanna Faylka ku soo saaray, intaannu maqnayn uu nagu duudsiyo, kadibna Khadar Ambassador Hantiddaa lacageed qaato. Annagu ma naqaan Dacwad, ma naqaan khiyaamo, ma naqaan ehel badan, ma naqaan dhaqanka dalka sida loo dhaqmaayo, sidaa awgeed waxaa Maxkamadda sarre ka codsanaynaa in Ninkaa budhcadda ah Sharciga nalooga hiiliyo, waxaannu Madaxweynaha Somaliland iyo guddida Caddaalada ogaysiinaynaa in Khadar Ambassador si badheedha noogu Dulmiyay dalka Somaliland dhexdiisa. Isagu dadkuu yaqaannaa, khiyaammooyin ayuu nagula kacay, garasho Madaxda dalka ah awgeed ayuu noo adeegsadday, waxaannu Baaqan u diraynaa cidkastoo Xaqa u hiilinaysa oo Sharciga u hiilinaysa inay Ninkaas budhcadda ah naga qabtaan. Dacwaddii waxaa haya oo Maxkamadda sarre, waxaannuna ka codsanaynaa in Sharciga iyo Xaqaba naloogu hiiliyo, ma rabno Dulmi, ma rabno Xaarraan, Xaqayagii ayaa Calanka hoostiisa nalagu boobbayaa. Khadar Ambassador waa budhcad wallaahi, waa khaayin, waa Nin Dulmi wada, waa Nin Xoolahayagii boobbaaya, waa Nin Illaahay ka fog oo aan aakhirro ka baqayn. Isha Allaah waxaannu sugaynaa in Xaqayagii naloogu Hiiliyo oo aannu helno Xaqii Aabahay nooga tagay. Aasiya Biindhe Qulunbe Iyo Nawaal Biindhe Qulunbe