Taliyaha ciidanka Xoogga dalka oo Bulshada Gaalkacyo u sheegay ammaanka Gobolka Mudug inuu yahay mid wanaagsan

0
Sunday February 04, 2018 - 10:36:44 in by salman abdi
  • Visits: 520
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyaha ciidanka Xoogga dalka oo Bulshada Gaalkacyo u sheegay ammaanka Gobolka Mudug inuu yahay mid wanaagsan

    Taliyaha ciidanka Xoogga dalka oo Bulshada Gaalkacyo u sheegay ammaanka Gobolka Mudug inuu yahay mid wanaagsan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha ciidanka Xoogga dalka oo Bulshada Gaalkacyo u sheegay ammaanka Gobolka Mudug inuu yahay mid wanaagsan

Taliyaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya ayaa magaalada Gaalkacyo wuxuu kulan kula qaatay qaybaha kala duwan ee Bulshada isagoo uga waramayey halka ay marayso Nabadayntii ay ku hawlanaayeen Saraakiisha ugu saraysa Soomaaliya iyo gudiyada Nabad galyada labada dhan ee Puntland iyo Galmudug.

Taliyaha oo Gaalkacyo ku qabtay kulan Su,aalo lagu waydiinayo ayaa warbixin uu ka horjeediyay Bulshadii kulankaasi ka qayb gashay wuxuu ka sheegay inay meel wanaagsan marayso nabad galyada magaalada Gaalkacyo iyo guud ahaan gobolka Mudug.


Sareeye Guuto C/wali Jaamac Gorod ayaa sidoo kale Bulshada Su,aalo ay waydiisay oo dhowr ah ka Jawaabay waxaana ka mid ahaa Xeradda saldhiga u ah ciidamada Puntland ee Caano ka dhan taasoo uu been ku Tilmaamay inay ciidamadu ku khasbeen Puntland inay bixiso xeradaas.

Taliyaha ayaa sidoo kale wuxuu sheegay inay u baahan tahay magaalada Gaalkacyo in la xoojiyo amnigeeda sidoo kalana la doonayo meel la dajiyo ciidamada isku dhafka ee ka hawlgalaya gobolka Mudug kuwaas oo isugu jira Boolis iyo Milatari.