Turkiga oo 15 askari looga dilay gudaha dalka Suuriya

0
Sunday February 04, 2018 - 10:36:44 in by salman abdi
  • Visits: 536
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Turkiga oo 15 askari looga dilay gudaha dalka Suuriya

    Turkiga oo 15 askari looga dilay gudaha dalka Suuriya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Turkiga oo 15 askari looga dilay gudaha dalka Suuriya

Meleteriga Dowladda Turkiga ayaa sheegay in sideed askari looga dilay dalka Suuriya gaar ahaan waqooyiga dalkaasi oo dagaalo qaraar ay ka socdaan.

Askartan ayaa lagu dilay dagaalka ka socda waqooyiga dalka Suuriya maalintii sabtida ahayd oo dagaalo badan ay dhaceen.

Dagaalkan ayaa waxa uu u dhaxeeyaa ciidanka Turkiga iyo Jabhadda Kurdishka ee dowladda Turkiga ay dagaalka kula jirto.

Iskahor imaatinkan ayaa lagu sheegay inuu yahay kii ugu adkaa ee Turkiga uu kala kulmo Suuriya tan iyo intii uu aagan dagaalka ka bilaabay.

Isugeyn ciidanka Turkiga kaga dhintay dagaalka Waqooyiga Suuriya ka socda waxaa lagu sheegay 15 askari.

Waxaa sidoo kale dagaalkan qeyb weyn ka qaadanaya diyaaradaha dagaalka ee ciidanka Turkiga oo la sheegay inay duqeeyeen fariisimo ay jabhada kurdiyiinta ay leeyihiin.

Turkiga ayaa dagaalka ku dhawaaqay bishii la soo dhaafay isagoo gudaha waqooyiga suuriya u diray kumanaan askari oo la dagaalama jabhada YPG.