Qoys Soomaaliyeed oo dib loogu soo celiyay qeyb ka mid ah Carruurtoodii

0
Sunday February 04, 2018 - 10:36:44 in by salman abdi
  • Visits: 453
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qoys Soomaaliyeed oo dib loogu soo celiyay qeyb ka mid ah Carruurtoodii

    Qoys Soomaaliyeed oo dib loogu soo celiyay qeyb ka mid ah Carruurtoodii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qoys Soomaaliyeed oo dib loogu soo celiyay qeyb ka mid ah Carruurtoodii

Dowladda Canada ayaa todobaad ka hor qoys Soomaaliyeed oo kunool dalkaasi , waxaa ay ka qaadatay 10 caruur ah oo ay heysteen ka dib markii lagu eedeeyay in ay ku guul dareysteen Shuruudaha caruurta dalkaasi.

Mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda Carruurta oo ay wehliyaan Booliska Canada ayaa qoyskan ugu tagay gurigooda iyaga oo ka qaatay mar kaliya Toban Carruur ah oo ay dhaleen, waxaana sidoo kale la xiray Labada Waalid ee Carruurta.

Aabaha Soomaaliyed ee dhalay Carruurtaasi Cabdi Kaafi Cosoble ayaa warbaahinta u sheegay in todobaad kaddib dib loogu soo celiyay 8 ka mid ah Caruurta kaddib dadaal ay sameeyeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee kunool dalkaasi.

Waxaa uu intaa ku darray in Wasaaradda Xanaanada Carruurta ay ka dambeysay in laga qaato Carruurta.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in hadda ay ka maqan yihiin labo ka mid ah Carruurta laakiin ay rajo ka qabaan in dib loogu soo celiyo.

Soomaalida kunool dalalka ku yaalla Yurub iyo America ayaa inta badan waxaa dhacda in laga qaato carruurta ay ku heystaan dalalkaasi markii ay isku dayeen in ay canaantaan ama ay baraan diinta iyo dhaqanka Suuban ee Soomaaliyeed.