Kuma Ayuu Ahaa Danjire Yuusuf jaamac Buraale.

0
Sunday February 04, 2018 - 10:36:44 in by salman abdi
  • Visits: 556
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kuma Ayuu Ahaa Danjire Yuusuf jaamac Buraale.

    Kuma Ayuu Ahaa Danjire Yuusuf jaamac Buraale.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kuma Ayuu Ahaa Danjire Yuusuf jaamac Buraale.

Maxamuud Hindi Aadan


Alle ha u naxariisto
Ha u nuuro xabaasha
Iilka neecow udgoon iyo
ha ku siiyo naruuro
Alle ha u naxariistee waxa magaalada addis ababa ee dalka Ethiopia ku geeriyooday AMBASSADOR Yuusuf Jaamac Buraale waxaana maanta oo ay taariikhdu tahay 03/02/2018 lagu aasay xabaalaha Naasa Hablood ee bariga magaalada Hargaysa.
Haddaba hadaynu wax yar ka sheegno taariikhda AMBASSADOR Yuusuf Jaamac Buraale waxa uu dhashay markay taariikhdu ahayd 1940 waxaana uu ku dhashay tuulada Xaaxi oo ka tirsan gobolka daadmadheedh hooyadii waxa la odhan jiray Cosob X Nuur.
Malcaamad Qur’aantii iyo dugsigii hooseba waxa uu ka bilaabay magaalada Hargaysa dugsigii dhexe iyo sare waxa uu ku qaatay Sheekh markaa uu ku jiray dugsiga sare ee sheikh waxa uu ka mid ahaa dhalinyaradii ka qayb qaadatay halgankii lagaga soo hor jeeday gumaysiga mar mararka ka mid ah waxa lagaga eryay schoolka halgankaa daraadii.
Intaa ka dib waxa uu u anbabaxay dalka Ruushka halkaa ayuu ka galay jaamacad degreegii kowaad waxa uu ku qaaday law mastertiina waxa uu ku qaatay International law waana qofkii soomaali ahaa ee ugu horeeyay ee qaata master International law ah ka dib 1966 waxa uu ku soo noqday dalka shaqadii ugu horaysay waxa uu ka bilaabay madaxtooyada somaliya oo uu markaa madaxweyne ka ahaa Aadan Cabdule Cismaan (Adan Cade) iyo golaha baarlamaanka ayuu labadaba lataliye arimaha sharciga ah u noqday golaha baarlamaankana markaa waxa haystay ina diirqadhaadh alle ha u naxariistee.
Inqilaabkii 1969 wax yar ka hor ayaa uu dalka ka baxay waxaana uu aaday Denmark isaga oo Denmark jooga ayaa uu inqilaabkii dhacay ka dib waxa uu u soo anbabaxay dalkii waxa uu soo maray Ethiopia oo ay safaarada joogaan Cumar Carte Qaalib iyo Yuusuf Dirir alle ha u naxariistee.
1969/10/25 waxa loo magacaabay safaaradii somaliya ee Ethiopia waxaana uu kusime safiir ahaa laba sano hadana waxa laga dhigay safiir kuxigeenka safaarada somaliya ee china hadana waxa loo wareejiyay safaarada somaliya ee aljeeriya waxa kale oo uu ka soo shaqeeyay safaaradii somaliya ay ku lahayd Ruushka intaa ka dib waxa uu safiir buuxa noqday 1973 waxaana loo magacaabay safaaradii somaliya ee Suuriya ilaa iyo 1987 halkaana waxa uu ku qaatay DIRECT GENERAL AMBASSADOR 1987 ayaa uu ka goostay dawladii somaliya waxaana uu yimid Ethiopia iyo SNM waxaana uu ka mid noqday golihii dhexe ee SNM dawladii Maxamed X Ibraahim Cigaal waxa uu ka noqday Wasiirkii wasaarada dibudejinta dawladii Daahir Riyaale waxa uu noqday safiirka Somaliland ee Ethiopia dawlada Axmed Siilaanyo waxa uu noqday safiirka Ethiopia iyo lataliyaha madaxweynaha ee arimaha bulshada. Markan uu geeriyooday wax xil ah muu haynin.
Waxa uu ifka kaga tagay hal xaas oo ah Raxma Axmed Cilmi,afar wiil iyo gabadh waxa ay sii dhaleena waa shan caruura