Haba la Qabtee horta ma jiraa Shirka lagu sheegay mid Garxajis iyo Garxajis siyaasad ku wada socda? Qaybtii 2 aad Qalinkii Ibraahim (Xabbo)

0
Sunday February 04, 2018 - 13:36:03 in by salman abdi
  • Visits: 998
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Haba la Qabtee horta ma jiraa Shirka lagu sheegay mid Garxajis iyo Garxajis siyaasad ku wada socda? Qaybtii 2 aad Qalinkii Ibraahim (Xabbo)

    Haba la Qabtee horta ma jiraa Shirka lagu sheegay mid Garxajis iyo Garxajis siyaasad ku wada socda? Qaybtii 2 aad Qalinkii Ibraahim (Xabbo)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Haba la Qabtee horta ma jiraa Shirka lagu sheegay mid Garxajis iyo Garxajis siyaasad ku wada socda? Qaybtii 2 aad Qalinkii Ibraahim (Xabbo) Markay Akhristaw sidaas tahay miyaaney Gardardaro iyo indho adeyg iyo weliba kiis iska waal aanu ka soconin dhan qudhaata. Miyaanay khalad ahayn inaad maalin walba aad ulla tagto sheeko aan sax ahayn Qayrkaa iyo Qaranka Somaliland ba. Waxaan idin xasuusniyaa aniga oo maqaalkaygii horena ku xusey in ay Jeegaan Samaysiga ku horeeyeen Wallaaladay Ciyaalla Dhab Libaax. In ay ahayd wax sax ah marka lagu socdo isbahaysi aan ku dhisnayn Qabiil iyo deegaan toona. Waxaan odhan karaa marka laga eego dhinaca dimuquraadiyada iyo Xisbiyada u baahan taageerada ballaadhan ee Madaxweyne nimada in ay tahay Xulufada iyo isbahaysigu mid lagama maar maan ah. Halkaas marka ay Marayso waxaa la furay Ururadii. Waxaa tartan gallay Xisbiyadii hore u jiray iyo Ururo cusub. Waxaa burburay Xisbigii ugu weynaa ee Udub oo ahaa mid ay ka wada muuqdaan Beellaha Somaliland haba ku kalla badnaadeene. In kasta oo ay dadka iska xigsiin jireen oo ay weliba ku faani jireen Walalladayo. Waxaa noqday Xisbiga ugu xooga weyn xiligaa Kulmiye oo ay Saldhig u ahaayeen Qabiilooyinka kalla ah. H Awal Sacad Muuse. H Jeclo (Maxamed Abokor) Samaroon(Maxamed Case) Reeraha kale ee Somaliland inta kale mid waliba Urur yar ayuu Eryanayey aniga oo ku xasuusin kara. Arab iyo Ciise = Xaqsoor. Dhab Libaax = Umada. H Jeclo = Muuse Abokor iyo aderkod Cumar Jibriil = Reys Xisbiga Ucid isagana waxaa Saldhig u ahaa oo soo saaray. Ciidagale. Ciise Muuse. Kuwaas oo ayaguna Jeegaan yar sameystay Taas oo loo Gawracay Muuse iyo Kulmiye oo hadaan loo sadqaynin Jeegaantaa yar aanu Kursiga Uriyeen Muuse laftiisu. Si i fududna uu banaanka uga heli lahaa Mr Cabdiraxman Shacru Abyad iyo Xisbiga Waddani. Hadaan ku noqdo natiijadii Doorashadii Booliga ahayd ee Xiligaas waxaa Ruqsada Xisbinimo qaatay 3 da Xisbi ee kalla ah. Kulmiye. Ucid. Waddani. Waxaa ay ahayd Doorashadaasi tii abid ina soo marta tii ugu Musuqa badnayd ee sanaaduuqdeeda iyo waraaqaheeda laga helayey hawdka iyo banaanada. Waxaa loo kalla badsaday sidii tuugada iyo boobka loogu kalla xariifsanaa. Waxaa Xisbiga Waddani oo aan taageeroyaal badan haysan xoog ku soo saaray Xukuumada oo uu markaa hor boodayey Mr Xirsi oo maantana ah Hogaanka Xisbiga Waddani. Waxaa meel walba ka gallay kaalinta labaad Waddani, sifo aan sharci ahayn. Hadii Doorasho Xumi dalka ka dhacday taas ayaa dhacday. Kuwa maanta qaylinayaana way ogaayeen wixii xiligaas dhacay boob iyo Booli. Haday cidi Xaaraan ku soo baxday Waddani ayaa hubaal ku soo baxay oo la is waydaariyey Umada oo ay isugu tagtay min Qabiilatu Dhab libaax in ka badan 90 %.. Waxaa dagaal lagula jiray Ciyaartooy khatar ah, oo khadka dhexe iyo afka hore ba ka ciyaara oo halis ah in uu soo baxo, kaas oo ahaa Mohd Abdi (Gaboose) Hadaba markii uu Qaatay Ruqsadii Xisbinimo Xisbigii Waddani waxaa ay isugu tageen in la dhiso Waddani oo hada markaas uun wax yar ka hor ahaa Shoodhe Kulmiye ama Xisbi iska Muxaafid ah. Waxaan odhan karaa ama ay ahaydba in la oofinayey balankii Shirkii Daallo oo ahayd in hadii uu soo baxo nin Reerka ka soo jeedaa la taageero 100%. Way dhacday, oo maca Gaboose oo la waydaariyey ayaa lagu khasbay in uu ku daba faylo Buurta Gacan Libaax ee ku taal beydka Raaxada iyo Xisbiga Waddani. Markaas ayaa hadana la isla gartay in la soo celiyo Jeegaantii Yareyd ee ka dhaxaysay Dhabta Libaaxa iyo Samaroon Reerka la yidhaa Makaahiil. Meeshana laga saaro Axmed Muumin Seed iyo Habar Carfaan oo ahayd cida kaliya ee uu taageero uu ka hellay Waddani ilaa Ururnimadiisii. Markaas ayaa hadana la bilaabay fidinta Garxajiska oo la geliyey Kharash badan iyo wakhti badan iyo weliba muusanaw badan. Markaas ayaa la bilaabay dacaayad Maatida Daakhil Al Turaabi lagu gelinaayo naxli, taas oo lagu odhanaayo "Muuse ayaa ina Dilay, Isaaq inaga ayuu rabaa inuu ina dilo, waxba inooma ogola Etc" Markaas ayaa la bilaabay sidii Habar Jeclo Iyo Daakhil al Turaabi oo aanay Daawo Siyaasadeed lahayn sidii sanka looga gelin lahaa Xisbiga Waddani. Habar Jeclo waxa ay ka gashay difaac cir iyo dhul ah in codkooda lagu qaato hees macaan iyo khiyaali. Daakhil al Turaabiya waxaa in badan oo ah Mooge lagu kaxaystay heesta Al Garxajisiya , Al Naxliya, Al Xarbul Ehliya wal Maryo Allooliya . Waxaa se aan la iloobi karin Eng Faysal Cali Waraabe oo Difaac adag ka gallay meel walba. Siyaasiyan, ficliyan iyo dhan walba, waxaa uu dhulka jiiday Waddani oo isu haystay Khatar Cadiim. Kontiinarkii uu hore u ballan qaaday Faysal ayuu ku handaraabay Waddani iyo Garxajisiyadii kurta sare uun ka Jaasaysay.

La soco Qaybaha danbe

By Ibraahim (Xabbo)