Saamiga Itoobiya Ee Dekedda Berbera Oo Dhawaan Lagu Saxeexayo UAE

0
Tuesday February 06, 2018 - 13:14:24 in by salman abdi
  • Visits: 563
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saamiga Itoobiya Ee Dekedda Berbera Oo Dhawaan Lagu Saxeexayo UAE

    Saamiga Itoobiya Ee Dekedda Berbera Oo Dhawaan Lagu Saxeexayo UAE

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saamiga Itoobiya Ee Dekedda Berbera Oo Dhawaan Lagu Saxeexayo UAE Dawladaha Somaliland, Imaaraadka Carabta iyo Itoobiya ayaa bishan gudaheeda dalka Imaaraadka Carabta ku soo kala saxeexanaya hirgelinta saamiga 19% ee Itoobiya laga siiyay maalgashiga dekedda Berbera.
Sidaas waxa sheegay wakiilka Somaliland u jooga dalka Itoobiya Cali Xuseen Ismaacil ( Cali Shoonbe ), waxaanu sheegya in wasiiro ka socda Itoobiya ay dhawaan tagayaan dalka UAE.

Waxa uu sidan Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Itoobiya Cali Xuseen Ismaacil ( Cali Shoonbe ) ku sheegay waraysi uu tilifishanka Saab ku siiyay caasimada Itoobiya ee Addis Ababa, waxaana isaga oo ka hadlaayay heshiiskaas uu yidhi "Wax ka hortaagan ma jirto oo waa laysla gartay markii aan ahaa wasiirka qorshaynta ayay arintu ahayd oo waxaan ku jiray gudidii, markaan halkan imina waan ku jiray wada hadaladii arinta waa laysla fahmay laakiin waxa gacanta ku haysay qoladii sharciyada ee dalka Itoobiya, dhawaan ayaanu ka wada xidhiidhnay wasiiradii ay khusaynaysay, wasiirka gaadiidka Axmed Shide iyo waxay tagayaan bishan labaad badhtankeeda oo laysugu tagayaa Dubai oo waxii gabogabo ah la samaynayaa, intii hore waxa gacanta ku hayay qolada sharciga taqaana oo talo bixin ka soo samaynaysay waanay ka soo dhamaatay xagaas oo imika qoladii siyaasada ayay dib ugu soo noqotay si go’aankii loo saxeexo.”

 

Source:Geeska Africa