Madaxweynaha Somaliland Oo Ku Gacan Seydhay Baaqyo Uga Yimid Dalalka Caalamka Iyo Qaramada Midoobey

0
Tuesday February 06, 2018 - 13:14:24 in by salman abdi
  • Visits: 507
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Somaliland Oo Ku Gacan Seydhay Baaqyo Uga Yimid Dalalka Caalamka Iyo Qaramada Midoobey

    Madaxweynaha Somaliland Oo Ku Gacan Seydhay Baaqyo Uga Yimid Dalalka Caalamka Iyo Qaramada Midoobey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Somaliland Oo Ku Gacan Seydhay Baaqyo Uga Yimid Dalalka Caalamka Iyo Qaramada Midoobey

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa beesha caalamka ka

diiday in ciidanka qaranka Somaliland ay dib uga soo noqdaan degamada Tuko-raq ee gobalka Sool oo ay ciidamada qaranka Somaliland ay dhawaan la wareegeen , kadib markii ay maamulka Puntland ay weerar ku soo qaaden ciidamada Somaliland .

Warar xog ogaal ah oo wargeyska Geeska Africa helay ayaa xaqiijiyey in dalalka beesha caalamka ee xidhiidhka dhaw la leh Somaliland iyo waliba qaramada Midoobe ay dawlada Somaliland ka codsadeen inay dib ciidanka qaranka ugu soo celiso deeganadii ay hore u fadhiyeen.


Talaabadan ayaa la sheegay in madaxweyne Biixi uu si cad ugu gacan seydhay dunida isla markaana ku dooday in ciidanka qaranka Somaliland ku hawlaneen duulaan balse ay ku sugan yahiin xuduudkiisii oo ay qeybo u hadhsan yahiin waxaana taas lidigeed ka codsadey inay madaxweynaha Somaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo cadaadis ku saaran in uu joojiyo colaada uu wado


Madaxweyne Biixi ayaa waxaa uu sidoo kale uu beesha caalamka ka diiday inuu la hadlo madaxweynaha Puntland Cabdi Wali cali Gaas isaga oo ku dooday in aanay waxba ka dhaxeyn Somaliland iyo maamulka Puntland balse uu diyaar u yahay in uu la hadlo madaxweynaha Somaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo .


Dalalkan beesha caalamka ayaa waxuu warku sheegay in wakiilo ka socda qaarkood ay si toos ah ula kulmeen madaxweyne Biixi , halka kuwo kale u soo direen safiiro iyo dhanbaalo .


Degmada Tuko-raq ayaa noqotey degmada ugu mihiimsan ee ugu danbeysay degmooyinka gobalka Sool ee ku jiray gacanta maamul gobaleedka Puntland , waxaana maamulka Puntland ay degmadan ku laheyd xarun Kastam oo ay cashuurta a urursan jirtay


Source:- Geeska