"Xamse Cadaw Yuuraroow Burco Laguma Keenin Jacayl Ee Waxa Lagu Keenaya Xiisad Ka Taagan Burco" Badhsaab Ramaax.
Gudoomiyaha Cusub Ee Gobolka Gabileya Ayaa Maanta Markii Uu Xilka Ku Wareejinayay Gudoomiyaha Cusub Ee Gobolka Togdheer Ayaa Waxa Uu Bulshada Reer Burco U Kala Dhex Dhigay Hadlo Keeni Kara Xanaf Iyo Kala Qaybinaya Bulshada Wada Degan Magaalada Burco.
Badhsaabka Ramaax Oo Bulshada Reer Burco Ay U Bixiyeen Badhsaabka Wareega Ee Gobolada Somaliland Ayaa Markii Ugu Horaysay Kala Qaybiyaya Shacabka Ku Dhaqan Gobolka Togdheer Ee Uu Badhsabka U Ahaa Mudadii Uu Xilka Haya.
Gudoomiye Ramaax Oo Fagaarah Hadalka Taagnay Aya Waxa Mar Kaliya Uu Ku Dhawaaqay Hadlo Sidan Tan Ah. " Anigu Xamse Been Uma Sheegayo Oo Magaalada Burco Ku Wan Jalimaayo Ee Waxaan U Sheegayaa Runta In Aan Soo Bandhigo Xumaanta Iyo Kala aybinta Taala Magaalada Oo Uu Ii Qariyay Qabyatire Anigu Waa Saxiibkay Xamse Ee Waxa Kula Qarinayo Dhibta Taala Burco”
Sidoo Kale Badhsaab Ramaax Oo Hadlakiisa Sii Wata Ayaa Waxa Uu Yidhi "Magaalada Waxaa Taala Dhibaato Badan Oo Ay Ka Tagtay Doorashadiii Xisbiyada Dalka Ka Dhacaday Oo Ay Kaga Tagtay Bulshada Wada Degta Magaalada Iyo Iyada Oo Kala Yeelatay Daamo Iyo Xerooyin Aan Isu Talaabin”
Gudoomiyihii Hore Ee Gobolka Togdheer Ayaa Waxa Uu Xilka Wareejiyay Isaga Oo Aan Mooday In Uu Mudo Xukumayay Magaalada Burco, Sidoo kale Waxa Xusid Mudan Bulshada Reer Burco Ayaa Waxa Maamuus Ah La Siin Ama Ashahaado Sharafyo Lagu Maamuusi Jiray Masuliyinta Kala Duwan Ee Xilka Ka Tagay Ama Wareejinayay .
Geesta Kale Ramaax Ayaa Waxa Markii Uu Taagnaa Goobta Hadlka Ee Laga Khubadaynayay Ayaa Waxa Mar Qudha Is Qab Saday Qaylo Iyo Foodhi Aan Kala Go, Lahayn
"Xamse Cadaw Yuuraroow Burco Laguma Keenin Jacayl Ee Waxa Lagu Keenaya Xiisad Ka Taagan Burco" Badhsaab Ramaax.
"Xamse Cadaw Yuuraroow Burco Laguma Keenin Jacayl Ee Waxa Lagu Keenaya Xiisad Ka Taagan Burco" Badhsaab Ramaax.