Nancy Pelosi oo Congress-ka Maraykanka ka jeedisay qudbad 8 saacadood ah

0
Thursday February 08, 2018 - 09:32:20 in by salman abdi
  • Visits: 556
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nancy Pelosi oo Congress-ka Maraykanka ka jeedisay qudbad 8 saacadood ah

    Nancy Pelosi oo Congress-ka Maraykanka ka jeedisay qudbad 8 saacadood ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nancy Pelosi oo Congress-ka Maraykanka ka jeedisay qudbad 8 saacadood ah

Hoggaamiyaha aqlabiyadda yar ee Aqalka Congress-ka Maraykanka ayaa jeedisay qudbaddii ugu dheereyd muddo qarni ah, iyada oo hadlaysay muddo 8 saacadood oo xiriir ah.

Waxa ay mid mid usoo qaadatay qisooyinka dadka yaraantoodii sharci darada lagu geeyay Maraykanka, kuwaas oo mustaqbalkooda uu muran weyn ka taaganyahay.

Waxa ay doonaysaa in dadkaas laga difaaco in la tarxiilo, iyada oo ku badalanaysa wadahadal ay ka galayaan miisaaniyadda Maraykanka.

Madaxweynaha Maraykanka ayaa doonaya in uu dalka Maraykanka ka saaro malaayiin qof oo yaraantoodii sharci darro lagu keenay, dhinaca kalena waxa uu doonayaa in Congress-ka uu u ansixiyo miisaaniyad uu ka mid yahay qarashkii lagu dhisi lahaa darbiga Mexico.

"Haddii aynu nahay xubnaha Congress-ka, waxaa na saaran waajib damiireed oo ah in aan difaacno dadka yaraantoodii yimid, kuwaas oo ah sharafta qarankeena, waana dadka Amerikaan ah dhinac kasta, balse aanan diiwaangashanayn" ayay tiri Pelosi.

Dadka baraha bulshada isticmaala ayaa si weyn u hadal hayay saacadaha dheer ee ay hadashay, waxayna qaarkood tilmaameen in biyo kaliya ay marmar kabanaysay intii ay hadlaysay.

Taageerayaasheeda iyo xisbiga dimoqoraadiga ayaa ugu hambalyeeyay qudbadeeda dheer, balse xildhibaanada jamhuuriga ayaa ku eedeeyay in ay lumisay waqti badan oo aanan loo baahnayn.

Pelosi wax sharci ah ma aysan jabinin, inkasta oo ay jiraan sharciyo qofka u jaangoynaya waqtiga uu hadli karo, haddane xilka hoggaamiyaha xisbiga aqlabiyadda yar ayaa u suurtogalinaya in ay hadasho intii ay doonto. Waxayna hadashay saacado badan oo xitaa ka badan inta uu madaxweyne qudbad jeedin karo.

Qofkii ka horeeyay ee taariikhda inta la ogyahay saacado badan hadlay waxa uu ahaa Champ Clark oo hadlay shan saac iyo 15 daqiiqo sanadkii 1909-kii, sida uu sheegay taariikhyahanka Aqalka.