Gumaasha Kursiga Kulmiye Oo Markale Soo Laba Kac,leeyay Iyo Maxamud Xaashi Oo Guclo Orad Ugu Jira Hanashada Kursiga.
Khilaalkii ku saabsanaa Cida la wareegaysa Booska Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Madaxweyne Muuse Biixi Dabadii ayaa mar kale soo laba kaclaysay kadib markii uu doraad booqasho ku tagay Madaxweyne Muuse Biixi Xarunta dhexe ee Xisbiga Kulmiye ee Magaalada Hargeysa,taasi oo u muuqata inay soo dhawaatay Wakhtigii uu Balan qaaday inuu booskaasi ku wareejiyo siyaasi ka soo jeeda Deegaanka Bariga Magaalada Burco.
Warar lagu kalsoon yahay oo Wargeyska Foore soo gaadhay ayaa shaaca ka qaaday in Wasiirkii hore ee Wasaaraddii la baabiiyay ee Madaxtooyadda ee Xukuumaddii Siilaanyo Ee Maxamuud Xaashi Cabdi uu soo gaabiyay safar oo uu mudooyinkii u dambeeyay ku joogay Dalka dibadiisa gaar ahaan Boqortooyadda Ingiriiska, islamarkaana uu dalka ku soo fool leeyahay,arintaasi oo salka ku haysa doonis xoogleh oo uu masuulkani mudooyinkii u dambeeyay ku raadcaynayay inuu hanto Booska Gudoomiyenimada Xisbiga kulmiye Madaxweyne Muuse Biixi dabadii,Waxaana si weyn loo hadal hayaa in .
Masuulkani uu doonayo in Booskaasi si caadi ah loogu wareejiyo isagoo horena u sameeyay dhaq dhaqaaq xoogan oo uu booskani ku hantiyayo balse ay ka soo gaadhay doorashadii madaxtooyadda oo wakhtigaasi culaysa badan ku noqotay.
Lama garanayo in Madaxweyne Muuse Biixi u
yeedhay Maxamuud Xaashi iyo in kale si uu ugu wareejiyo Gudoomiyenimada Kulmiye
iyo inuu fulinayo Qodobadii ka soo baxay shirkii Beelaha Habar Awal iyo Habar
Jeclo ee Magaalada Burco ugu qabsoomay in yar doorashada ka hor,gaar ahaan
Qodobkii ku saabsanaa inuu Booska Gudoomiyenimada Kulmiye wareejinayo 45-cisho
Mudo kadib markaa uu xilka Madaxtinimada la wareego qodobkaasi oo ahaa bud dhiga Shirkaasi iyo waxyaabihii keenay inay samaysanto Jeegaanta manta aadka loo hadal hayaa,waxaana hadda soo yeedhaysa gurxan iyo guux xoogan oo ku saabsan fulinta Qodobkaasi oo ka soo baxaysa Siyaasiyiinta ka soo jeeda Deegaanka Bariga Burco.
Warar kale ayaa sheegaya in Madaxweyne Muuse
Biixi damacsan yahay inuu Booskaasi Gudoomiyenimada Kulmiye ku wareejiyo
Siyaasi u calaamadsan oo uu si gaar ah laabta ugu haysto oo aan dibada u soo
bixin,taasi sababtay inuu Maxamuud Xashi maqlay islamarkaana uu soo gaabiyay
safarkiisii uu ku doonnayay inuu ku soo maro Dalka Sacuudiga.
Warar kale ayaa sheegaya inaanu Madaxweyne Muuse Biixi jeclayn inuu Booska Gudoomiyenimada Kulmiye wareejiyo islamarkaana uu u arko haddii uu wareejiyo inuu Xisbigaasi taladiisu ka hoos baxayso,waxaanay wararkaasi sheegayaan inuu damacsan yahay inuu booskaasi wareejiyo marka uu dhamaysto teeramkiisa musharaxnimo ee labaad.
Sikastaba hanoqotee,Waxaa dhawaan la sugayaa
inay arintaasi meel uun iskugu biyo shubato oo uuy soo gunaanadmo Wareejinta
Booska Gudoomiyenimada Kulmiye oo hanaan beelaysan horena la iskugu wareejiyay
haddana la doonayo in la iskugu.
Gumaasha Kursiga Kulmiye Oo Markale Soo Laba Kac,leeyay Iyo Maxamud Xaashi Oo Guclo Orad Ugu Jira Hanashada Kursiga.
Gumaasha Kursiga Kulmiye Oo Markale Soo Laba Kac,leeyay Iyo Maxamud Xaashi Oo Guclo Orad Ugu Jira Hanashada Kursiga.