Madaxweyne Farmaajo oo markii koowaad ka hadlay dhiibistii Qalbi Dhagax

0
Friday February 09, 2018 - 12:01:02 in by salman abdi
  • Visits: 474
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Farmaajo oo markii koowaad ka hadlay dhiibistii Qalbi Dhagax

    Madaxweyne Farmaajo oo markii koowaad ka hadlay dhiibistii Qalbi Dhagax

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Farmaajo oo markii koowaad ka hadlay dhiibistii Qalbi Dhagax

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii ugu horeysay muddo bilooyin badan ah kadib ka hadlay dhiibistii dowladda federaalka dhiibtay Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax, kaas oo loo gacan galiyay dowladda Itoobiya oo raadinaysay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa su'aalo uga jawaabayay dhagaystayaasha BBC-da xili uu marti ku ahaa barnaamij looga hadlayay sanad kadib doorashadiisii iyo wixii u qabsoomay.

Mid ka mid ah dhagaystayaasha ayaa madaxweynaha weeydiiyay waxa uu ka ogyahay dhiibistii Qalbi Dhagax, wuxuuna ku jawaabay "Su'aashaasi runtii waa su'aal muhiim ah, waxaan ognahay in baarlamaanka ay ku sameeyeen dood, ayna kasoo saareen warbixin, ayna u codeeyeen, maxaa yeelay iyagu waxaa weeye, waa hay'adda ugu saraysa ee sharci dajinta, markay codeeyeene waxay gaareen go'aan, waxaan aaminsanahay in go'aankaasi uu yahay kama dambeys".

Go'aanka Baarlamaanka muxuu ahaa?

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi FarmaajoLahaanshaha sawirkaMADAXTOOYADA SOOMAALIYA
Image captionMadaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

Haddii aan dib idiin xusuusino, go'aanka baarlamaanka wuxuu ahaa in dhiibista Qalbi Dhagax ay ahayd arrin sharci darro ah maadaamaa dastuurka dalka uusan meelna kaga xusneyn in qof loo dhiibo dal kale, islamarkaasna uusan jirin heshiis dowladda ay la gashay mid kale oo ku saabsan dad la'isu wareejiyo.

Waxa warbixinta baarlamaanka ay farta ku fiiqday hay'adda NISA oo la sheegay in kaligeed ay maaraysay hawsha, aysan ka wargalinin hay'adaha garsoorka, islamarkaasna xog aan sugnayn la siiyay madaxda qaranka.

Marka laga tago tallooyin xukuumada loo jeediyay oo ahaa in wixii markaas ka dambeeya ay ka taxadarto tallaabooyinka ay qaadayso, islamarkaasna sharciga waafajiso, ma jirin wax qodob ah oo go'aanka baarlamaanka ku jiray oo lagu eedeynayay dadkii mas'uulka ka ahaa arrinta, iyo waliba qodob ay ciqaab ka dhalan kartay.

Sidoo kale ma jirin wax la faray dowladda oo ay tahay in ay fuliso oo ku jiray go'aanka, sidaas darteed lama oga waxa uu madaxweynaha ku qancay ee go'aanka baarlamaanka ka dhigay mid kama dambeys ah?.

Soo cusboonaysiinta qadiyadda Qalbi Dhagax

Cabdullaahi Maxamed Sanbaloolshe waxa uu ahaa taliyaha NISA oo lagu xusay go'aankii baarlamaankaLahaanshaha sawirkaFACEBOOK
Image captionCabdullaahi Maxamed Sanbaloolshe waxa uu ahaa taliyaha NISA oo lagu xusay go'aankii baarlamaanka

Arrinta Qalbi Dhagax ayaa todobaadyadan dib usoo cusboonaatay kadib markii uu waraysiyo warbaahinta siiyay taliyihii hore ee nabad suggida Cabdullaahi Maxamed Sanbaloolshe.

Sanbaloolshe oo la weeydiiyay wixii uu ka ogaa arrinta dhiibista ayaa diiday in uu ka hadlo, wuxuuna ku adkaystay in dhiibista Qalbi Dhagax ay ahayd arrin ku saabsan amniga Qaranka , islamarkaasna uusan isaga ka hadli doonin.

Madaxweyne Farmaajo ayaanan horey uga hadlin arrintan, inkasta oo uu jiray culees badan oo dowladda kaga imanayay xagga shacabka oo ku saabsanaa in ay ka hadasho.

Xukuumadda Ra'isulwasaare Xasan Cali Kheyre ayaa horay u difaacday go'aanka dhiibista, sheegtayna in Cabdikariim uu ahaa nin argagixiso ah, laguna dhiibay heshiis labada dal dhexmaray.