Hawlaha laamaha dowladda Mareykanka oo mar kale qarka u saaran in ay istaagaan

0
Friday February 09, 2018 - 12:04:03 in by salman abdi
  • Visits: 456
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hawlaha laamaha dowladda Mareykanka oo mar kale qarka u saaran in ay istaagaan

    Hawlaha laamaha dowladda Mareykanka oo mar kale qarka u saaran in ay istaagaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hawlaha laamaha dowladda Mareykanka oo mar kale qarka u saaran in ay istaagaan

Waaxaha dowladda Mareykan ayaa qarka u saaran in ay shaqeyn waayaan oo ay xirmaan kaddib markii aqalka sare ee dalkaasi ay u suurtageli weyday in uu ansixiyo hindisaha miisaaniyadda dowladda, sababo la xiriira muran ka dhex jira xisbiga Jamhuuriga.

Xubnaha aqalkan ee xisbiga haya talada dalka ee Jamhuuriga ayaa ku heshiin waayay qorshe boqolaal bilyan oo doolar ay ku baxeyso.

Rand Paul oo ka tirsan Jamhuuriga ayaa sheegay in hindisaha miisaaniyadda hadda la soo gudbiyay ay xad gudub ku tahay ballan-qaadyo hore oo ahaa in la xoojiyo kharashka dowladda.

Haddii aqalka sare ee Mareykanka uu ansixiyo hindisaha miisaaniyadda dowladda, waxa marka xigta loo gudbinayaa aqalka wakiillada, halkaasi oo aanan la hubin in la ansixin doono iyo in kale.