Diyaar ay Israa'iil leedahay oo lagu soo riday gantaal Suuriya laga soo ganay

0
Saturday February 10, 2018 - 12:04:28 in by salman abdi
  • Visits: 469
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Diyaar ay Israa'iil leedahay oo lagu soo riday gantaal Suuriya laga soo ganay

    Diyaar ay Israa'iil leedahay oo lagu soo riday gantaal Suuriya laga soo ganay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Diyaar ay Israa'iil leedahay oo lagu soo riday gantaal Suuriya laga soo ganay

Diyaarad dagaal oo ay leedahay Israa'iil ayaa burburtay xilli la ganay gantaal nooca lidka diyaaradaha ee ay Suuriya leedahay kaddib markii diyaaraddu ay fulisay weerrar ka dhan ah bartilmaameedyo Iiraan ay ku leedahay gudaha waddanka Suuriya, waxaa sidaas sheegay milateriga Israa'iil.

Labadii duuliye ee diyaaradda wadday ayaa iyagoo badqaba baarashuut kaga booday diyaaradda kaddib markii ay ku burburtay waqooyiga Israa'iil. Isbitaalka ayaana markii dambe la dhigay.

Israa'iil ayaa sheegtay in diyaaradeeda dagaalka ee F-16 ay waday weerraro ay kaga jawaabaysay diyaaradaha aanay cidina wadin ee ay Iiraan leedahay oo gudaha u soo galay Israa'iil. Diyaaradahaasi aanay cidina wadinna markii dambe waa la horjoogsaday.

Ciidammada Suuriya ayaa rasaas furay kaddib markii Israa'iil ay ku dhaqaaqday fal daandaansi ah, waxaa sidaas lagu baahiyay warbaahinta qaranka.

Sidey dhacdooyinkan u soo shaacbaxeen?

Bayaan ka soo baxay milateriga Israa'iil ayaa lagu sheegay in "diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah ay horjoogsatay diyaarad aanay cidina wadin oo Iiraan leedahay oo laga soo kiciyay Suuriya kuna soo xadgudubtay Israa'iil."

Waxa uu bayaanku intaasi ku daray in diyaaraddaasi durbadiiba la ogaaday "aadna loola socday ilaa laga hor istaagayba."

Diyaaradda aanay cidina wadin ayaa waxaa lagu soo riday gudaha Israa'iil, waxaa sidaasi sheegay afhayeenka ciidammada Israa'iil, Janaraal Ronen Manelis.