Sarkaal sare oo iska casilay Aqalka Cad ee Mareykanka

0
Saturday February 10, 2018 - 12:04:28 in by salman abdi
  • Visits: 452
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sarkaal sare oo iska casilay Aqalka Cad ee Mareykanka

    Sarkaal sare oo iska casilay Aqalka Cad ee Mareykanka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sarkaal sare oo iska casilay Aqalka Cad ee Mareykanka

David Sorensen oo ah Xubin kale oo sare oo ka tirsan Aqalka cad ayaa ku dhawaaqay in uu is casilay kadib markii loo soo jeediyay eedeeymo la xiriiray tacadiyo uu u gaystay xaaskiisii hore.

David Sorensen,waxaa uu sheegay in uusan doonayn in uu caqabad ku noqdo maamulka madaxwayne Trump ,taasina ay tahay sabababta uu isu casilay.

Waxaa uu ahaa David Sorensen ninka Khudbadaha u qora Donald Trump.

Arrintan waxay bilaabatay todobaadkan ka dib markii ay so baxeen warar ku saabsan in xoghayaha shaqaalaha aqalka cad Rob Porter uu tacadiyo u gaystay labadiisa xaas.

Madaxwayne Trump ayaa fadeexadan ka dhigay mid sii jirta ka dib markii uu amaanay Mr Porter isaga oo aan cambaarayn ficilkiisa.

Madaxwaynaha ayaa sheegay in uu shaqa wanaagsan qabtay balse uu wanaag u rajaynayo mar walba.

Mr Trump ma uusan carab baabin labadan haween ee eedeeynta soo jeediyay taasi oo ay dad badan ka caroodeen.