Maxkamadda Ciidamada oo u fariisatay dhageysiga Kiis dil ah oo loo haysto Sarkaal ka tirsan ciidanka badda

0
Saturday February 10, 2018 - 12:04:28 in by salman abdi
  • Visits: 429
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxkamadda Ciidamada oo u fariisatay dhageysiga Kiis dil ah oo loo haysto Sarkaal ka tirsan ciidanka badda

    Maxkamadda Ciidamada oo u fariisatay dhageysiga Kiis dil ah oo loo haysto Sarkaal ka tirsan ciidanka badda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamadda Ciidamada oo u fariisatay dhageysiga Kiis dil ah oo loo haysto Sarkaal ka tirsan ciidanka badda

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida Somaliya ayaa maanta oo Sabti ah u fariisatay dhageysiga dacwada la xiriirta kiis dil oo lagu eedeeyay inuu gaystay Gaashaanle Sare C/naasir Xoosh oo ka tirsan ciidamada Badda Somaliya.

Gaashaanle Sare C/naasir Xoosh ayaa lagu eedeeyay inuu dilay Taliye Ku xigeenkii hore ee ciidanka badda Somaliya Saciid Aadan Yuusuf (Siciid Mariino) oo 18-kii Bishii Janaayo lagu dhex dilay Dakadda Magaalada Muqdisho.


Dilkaasi ayaa waxaa la sheegay inuu gaystay Gaashaanle Sare C/naasir Xoosh oo isagana ka tirsan ciidamada badda Somaliya.

Dhageysiga Dacwadda maxkamadda ayaa waxa ay ka socotaa xarunta maxkamadda Darajada Koowaad ee ciidamada Qalabka sida Somaliya, waxaana goobjoog ah Saraakiil ka tirsan ciidamadda Somaliya.

Kiiska Sarkaalkaan ayaa lagu soo beegay, iyadoo maanta ciidamada badda Somaliya ay u dabaaldagayaan 53-sano guuradii ka soo wareegatay markii la aas-aasay ciidanka badda Somaliya oo ku beegan 10-ka February.

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida Darajada Koowaad ayaa la filayaa in go’aan ay ka soo saarto kiiskaan marka ay dhageysato oo maxkamadda la horkeeno cadeymo.