Qaramada Midoobay oo ka walaacsan sida uu u socdo gargaarka Suuriya

0
Saturday February 10, 2018 - 12:04:28 in by salman abdi
  • Visits: 464
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaramada Midoobay oo ka walaacsan sida uu u socdo gargaarka Suuriya

    Qaramada Midoobay oo ka walaacsan sida uu u socdo gargaarka Suuriya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaramada Midoobay oo ka walaacsan sida uu u socdo gargaarka Suuriya

Sarkaal sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa waxa uu cambaareeyay waxa uu ugu yeeray guuldarrada diblumaasiyadeed ee ku timid hannaanka gargaarka bini'aadamnimo ee waddanka Suuriya.

Hadalka ninkan ayaa yimid kaddib markii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu ku guuldaraystay inuu baritaaro qorshaha xabbad joojintii ugu dambaysay.

Panos Moumtzis ayaa sheegay in 400 oo kun oo qof oo ku nool gobolka la go'doomiyay ee bariga Ghouta ay si weyn ugu baahan yihiin gargaar.

Laba bilood ayaa laga joogaa markii ugu dambaysay ee kolonyo gargaar sidda ay dadkaasi gaarto.

Diyaaradaha dowladda Suuriya ayaa maalinkii shanaad duqaymo ku bartilmaameedsanaya gobolka Bariga Ghouta oo u dhaw caasimada Suuriya ee Dimishiq.

Duqaymahan ayaa ku soo beegmaya xilli ay isa soo tarayaan baaqyada ku aadan in dagaalka la soo afjaro.

Magaalada Ghouta oo ay mucaaradka haystaan ayaa la go'doomiyay, waxaana gabaabsi ah cunnada ,biyaha iyo daawooyinka.

Ugu yaraan 200 oo qof ayaa ku dhintay intii ay duqaymaha dowladda socdeen.

Goobo kale oo ka tirsan gobolka Idlib ayaa sidoo kale duqaymaha lala bartilmaameedsaday.

Faransiiska ayaa ugu baaqay Ruushka oo taageera dowladda Assad in ay xukuumadda Dimishiq ugu baaqaan in ay joojiso tillaabooyiinka ay wado.

Maalinkii khamiista ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay kulan ay yeesheen waxa ay Ruushka wax aan suuragal ahayn ku tilmaameen baaqyada xabad joojinta.