Wasaaradda amniga oo ka hadashay qaraxyo lagu weeraray hoyga Jacfar oo ah Sarkaal NISA

0
Saturday February 10, 2018 - 12:04:28 in by salman abdi
  • Visits: 570
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaaradda amniga oo ka hadashay qaraxyo lagu weeraray hoyga Jacfar oo ah Sarkaal NISA

    Wasaaradda amniga oo ka hadashay qaraxyo lagu weeraray hoyga Jacfar oo ah Sarkaal NISA

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaaradda amniga oo ka hadashay qaraxyo lagu weeraray hoyga Jacfar oo ah Sarkaal NISA

Wasaaradda amniga Somaliya ayaa faah faahin ka bixisay qaraxyo Bambooyin ah oo xalay lagu tuuray, hoyga Muqdisho uu ka degan yahay Maxamed Abuukar Jacfar oo ah Sarkaal ka tirsan Hay’adda Nabad Suggida Somaliya.

Hoyga Jacfar ayaa wuxuu ku yaallaDegmada Hawlwadaag, gaar ahaan nawaaxiga Iskuulka Dhagaxtuur, wadada ka baxda Isgoyska Dabka ee dhanka Bakaaraha aada, waxaana la sheegay raggii qaraxyada ku weeraray hoyga Jacfar inay baxsadeen.


Qaraxyada oo laba bambo, ahaa ayaa waxaa ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad shacab ah, waxaana la sheegayaa hal ruux inuu halkaasi ku dhintay.

Afhayeenka Wasaaradda amniga C/casiis Xildhibaan ayaa sheegay inay baxsadeen raggii ka dambeyay qaraxa lagu weeraray hoyga Maxamed Abuukar Jacfar.

Al Shabaab ayaa qaraxyada noocaan oo kale ah la beegsada guryaha ay degan yihiin Saraakiisha ciidamada dowladda Somaliya.