Qaramada Midoobay Oo Mar Kale Ku Baaqday In Dagaalka Suuriya La Joojiyo

0
Sunday February 11, 2018 - 07:25:52 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaramada Midoobay Oo Mar Kale Ku Baaqday In Dagaalka Suuriya La Joojiyo

    Guddiga xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ku baaqay in la qaado tillaabo degdeg ah si loo joojiyo rabshadaha iyo dagaalka Suuriya ee uu dhiiga badan ku daatay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddiga xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ku baaqay in la qaado tillaabo degdeg ah si loo joojiyo rabshadaha iyo dagaalka Suuriya ee uu dhiiga badan ku daatay.


Zeid Ra'ad al-Xussen ayaa sheegay in ugu yaraan 277 qof lagu dilay toddobaadkii aanu soo dhaafnay duqaymaha Suuriya.

Dadkan ayuu sheegay in intooda badan ay ku dhinteen duqaymaha Ruushka iyo dowladda Suuriya.

Zeid Ra'ad al-Xussen ayaa intaa ku daray in toddobaadkii aanu soo dhaafnay uu ahaa mid dhiigii ugu badnaa uu ku daatay muddada 7 sano ah ee uu dagaalka Suuriya socday.

Kooxaha u ololeeya xuquuqda aadanaha ayaa waxay dhankooda sheegeen in duqaymaha lagu hayay bariga Ghouta ay imika u muuqato in ay yaraadeen.

Shantii maalmood ee ugu dambeeyay ayaa waxa magaalada Ghouta ka socday duqaymo ay gaysanayeen diyaaradaha Suuriya.

Waxaa dhanka kale isa soo tarayay baaqyada ku aadan in dagaalak al joojiyo si gargaar loo gaarsiiyo dadka ku go'doonsan magaaladda Ghouta.