Kooxda Boko Haram oo siidaysay dad ay afduub u haysteen

0
Sunday February 11, 2018 - 07:28:46 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kooxda Boko Haram oo siidaysay dad ay afduub u haysteen

    Dowladda Nigeria ayaa sheegtay in kooxda mintidka ah ee Boko Haram ay siidaayeen 13 qof oo ay afduubteen bishii July.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Nigeria ayaa sheegtay in kooxda mintidka ah ee Boko Haram ay siidaayeen 13 qof oo ay afduubteen bishii July.


Dadka la siidaayay ayaa waxaa ka mid ah tobon haween oo la afduubtay xilli weerar lagu qaaday kolonyo gawaari booliis ah iyo saddex maclin oo laga afduubtay magaalada Maiduguri xilli ay ku jireen safar baaritaano shidaal ah.

Bayaan ka soo baxay xafiiska madaxwayne Muhammadu Buhari ayaa lagu sheegay in dadkani la siidaayay ka dib wadaxaajood ay garwadeen ka ahaayeen gudiga caalamiga ah ee laanqayrta cas.

Kooxda Boko Haram ayaa waxaa wali u afduuban gabdho laga afduubtay iskuula ku yaalla Chibok afar sano ka hor.

Madaxwayne Buhari ayaa ugu baaqay ciidamada Nigeria in ay xoojiyaan dadaalka ku aadan sidii guriyahooda dib loogu soo celin lahaa in ka badan 100 gabdhood oo ay kooxda afduub u haystaaan.