Hordhac: Galatasaray v Chelsea – Blues Oo Hamineysa Inay Dhowrto Sharaftii Ingariiska Ee Champions League.

0
Wednesday February 26, 2014 - 08:32:32 in by London Office
  • Visits: 1275
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hordhac: Galatasaray v Chelsea – Blues Oo Hamineysa Inay Dhowrto Sharaftii Ingariiska Ee Champions League.

    Kulanka:Galatasaray v Chelsea Garoonka:Turk Telekom Arena Waqtiga:10:45pm Saacada Geeska Afrika Indhaha oo dhan waxa ay ku sii jeedaan hal ciyaaryahan marka Galatasaray ay caawa Turk Telekom Arena ku soo dhaweyso Chelsea lugta hore ee wareeg

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulanka:Galatasaray v Chelsea Garoonka:Turk Telekom Arena Waqtiga:10:45pm Saacada Geeska Afrika Indhaha oo dhan waxa ay ku sii jeedaan hal ciyaaryahan marka Galatasaray ay caawa Turk Telekom Arena ku soo dhaweyso Chelsea lugta hore ee wareega 16ka Champions League. Xiddiga reer Ivory Coast Didier Drog

Kulanka:Galatasaray v Chelsea

Garoonka:Turk Telekom Arena

Waqtiga:10:45pm Saacada Geeska Afrika

Indhaha oo dhan waxa ay ku sii jeedaan hal ciyaaryahan marka Galatasaray ay caawa Turk Telekom Arena ku soo dhaweyso Chelsea lugta hore ee wareega 16ka Champions League.

Xiddiga reer Ivory Coast Didier Drogba ayaa hogaamin doona weerarka kooxda martida loo yahay isagoo ahaa gooldhaliyaha Chelsea muddo sideed sanno ah ka hor inta uusan ka tagin labo xilli ciyaareed ka hor.

Waxaa intaa sii dheer in Drogba uu dhaliyay rigoorada guusha kulankii ay ku qaadeen Champions League markii ugu horeysay taariikhda 2012dii, laakiin haatan waxa uu isku dayi doonaa inuu kooxdiisa hore ka saaro wareega 16ka koobkaan.

Chelsea ayaa iyadana dhanka kale dooneysa inay noqoto kooxdii ugu horeysay ee Ingariiska ee guul ka gaarto lugta hore ee wareega 16ka Champions League, madaama kooxaha Man City, Arsenal iyo Man United dhamaantood laga soo badiyay.

MAXAA KA CUSUB?

Chelsea ayaa dib u soo dhaweyneysa daafaceedaDavid Luiz iyo ciyaaryahanka khadka dhexe John Obi Mikel kulanka ay la leeyihiin Galatasaray caawa.

Labada xiddig ayaa seegay kulankii sabtida ay 1-0 kaga badiyeen Everton dhaawac dartiis laakiin waxa ay Blues u la safreen Istanbul.

Kubadsameeyaha reer Brazil ayaa sidoo kale qeyb ka ah kooxda u safartay Turkiga, inkastoo dhaawac dartiis loo bedelay kulankii Everton.

Saxiixyada cusub Nemanja matic iyo Mohamed Salah ayaan Chelsea u ciyaari karin koobkaan madaama ay Champions League u soo ciyaareen xilli ciyaareedkan Benfica iyo Basel.

Tababaraha Gala Roberto Mancini ayaa walaac ka qaba fayowqabka daafacyada Gokhan Zan iyo Hakan Balta, laakiin inta badan ciyaartoydiisa waa u diyaar oo ay ku jiraan Wesley Sneijder, Fernando Muslera iyo Burak Yilmaz.

LINE-UPKA MACQUULKA AH:

Galatasaray:Muslera; Chedjou, Kaya, Nounkeu; Eboue, Riera, Melo, Altıntop, Sneijder; Drogba, Yilmaz

Chelsea:Cech; Azpilicueta, Cahill, Terry, Ivanovic; Luiz, Mikel; Ramires, Hazard, Willian; Eto’o

MA OGTAHAY?

  • Labada kooxood hadda ka hor hal jeer ayay ku kulmeen Istanbul iyadoo Chelsea ay 5-0 ku badisay 1999kii. Guulashii habeenkaas waxaa wax ka dhaliyay Tore Andre Flo, Gianfranco Zola iyo Dennis Wise.
  • Drogba ayaa dhaliyay 157 gool 342 kulan uu u saftay Chelsea isagoo ka caawiyay inay hantaan seddex Premier League, afar FA Cup, labo League Cup iyo Champions League mudadii sideeda sanno ee uu joogay kooxda.




markasta ka dheego ciyarahii udanbayay

AFKASHACABKA.CON
CONTACT@AFKASHACABKA.COM