Boris Johnson: Qaxootiga Rohingya waa inay si iskood ah guryahooda ugu laabtaan

0
Sunday February 11, 2018 - 07:32:01 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Boris Johnson: Qaxootiga Rohingya waa inay si iskood ah guryahooda ugu laabtaan

    Xoghayaha arrimaha dibadda ee Britain, Boris Johnson ayaa wadahadal la yeelanaya hogaamiyaha Mnyamar Aung San Suu Kyi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Britain, Boris Johnson ayaa wadahadal la yeelanaya hogaamiyaha Mnyamar Aung San Suu Kyi.


Wadahadalkan ayaa la filayaa in diiradda lagu saaro sidii iyagoo badqaba loo celin lahaa qaxootiga Rohingya. Mr Johnson ayaa booqday xero qaxooti oo ku taalo xadka Bangladesh uu la leeyahay Mnyamar, halkaa oo uu kula kulmay Muslimiinta Rohingya ee ka soo qaxay weerarada miltaeriga Burma ay ku hayaan dadkan laga tirada badanyahay ee Rohingya.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Britain ayaa sidookale sheegay in laga mamarmaan ay tahay in qaxootoga Rohingya ay si iskood ah ah loogu ogolaado inay dib ogu labtaan guryahooda oo aan la qasbin, iyadoo caalamka uu dusha ka eegayo.

Mr Johnson ayaa sidookale la filayaa in hogaamiyaha dalkaasi uu kusoo hadal qaado labo weriye oo u shaqeeya wakaalaada wararka ee Reuters oo lagu xiray dalkaasi, kuwaa oo wax ka qoray collaada ka dhanka ah qowmiyadda Rohingya.