Ololaha Doorashada Baarlamaanka Oo Ka Socda Dalka Djibouti

0
Sunday February 11, 2018 - 14:49:41 in by salman abdi
  • Visits: 667
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ololaha Doorashada Baarlamaanka Oo Ka Socda Dalka Djibouti

    Guud ahaan Degmooyinka Dalka Jabuuti waxaa ka socda ololaha Doorashooyinka Baarlamaanka dalkaasi,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guud ahaan Degmooyinka Dalka Jabuuti waxaa ka socda ololaha Doorashooyinka Baarlamaanka dalkaasi,

waxaana ku tartamaya xisbiyada isku tagay aqlabiyadda madaxtooyada UMP iyo xisbiyada EDG PDD iyadoo ay ku tartamayaan ilaa 65 xildhibaan oo kasoo bixi doonta dhamaan dalka Jabuuti oo dhan.

65-ka xildhibaan ee loo tartamayo 35-xildhiban oo ka mid ah waxa ay kasoo bixi donaan caasimadda Jabuuti halka 30-ka xildhibaan ee kalana laga soo dooran doono afarta gobol ee dalka, waxana xisbiga talada haya kula Tartami doona gobolada dalka.

Ololaha doorashooyinka dalka Jabuuti ayaa waxay socon doonaan ilaa 23-ka bishan aan ku jirno iyadoo dadku ay u dareeri donaan goobaha codbixinta.

Ammaanka dalka Jabuuti ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana Mas’uuliyiinta dowladda Jabuuti ay Xisbiyadda ugu baaqeen in ay ololaha u sameeyeen si nabad geliyo ah.