Muwaadinkii Dalkiisa Qaribay ee Ajaanibku Kasoo gaadhay. W.Q Kaptanka Qiso waddanka ka dhacday oo dareen xambaarsan!!

0
Sunday February 11, 2018 - 16:55:05 in by salman abdi
  • Visits: 855
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muwaadinkii Dalkiisa Qaribay ee Ajaanibku Kasoo gaadhay. W.Q Kaptanka Qiso waddanka ka dhacday oo dareen xambaarsan!!

    Waxaanu safar shaqo ugu baxnay gobol ka mida gobalada dalka. Waxanu ka koobnayn 20qof iyo Hal qof oo ajaanib ah waxay gaadhay waqtigii braketime ka waqtigoo nagu yaraa waxaanu go,aan sanay inaan gaadiidka kusii dhex nusasaacayno labaatankii qof ee wa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaanu safar shaqo ugu baxnay gobol ka mida gobalada dalka. Waxanu ka koobnayn 20qof iyo Hal qof oo ajaanib ah waxay gaadhay waqtigii braketime ka waqtigoo nagu yaraa waxaanu go,aan sanay inaan gaadiidka kusii dhex nusasaacayno labaatankii qof ee wadaniyiinta ahaa

halmar ayay daaqadaha ka tuureen hadhaagii cuntada iyo cabista sida baco caagado daasado iyo qashin kale oo badan. Halkii qof ee ajaanibka ahaa ee nagu jiray oo ahaa nin gibil cad ah ayaa dalbaday in la joojiyo dhamaan gaadiidka si buu yidhi deegaanka looga ururiyo qashin kii lagu qubay waxaanu ku bilaabay hadalkiisa "Idinkoo iga raaliya waxaan idiin joojiyey inagoo aan deegaanka waxba usidin waqti ficana ku qaadanay Maaha inan ugu abaal gudno qashin deegaanka waxyeelo u gaysanaya sida baco iyo caagado biyood oo halkay ku dhacaan kun Sano aanu doog kasoo baxaynin fadlan Ila badbaadiya deegaankiina oo Soo ururiya bacaha iyo caagadaha” waanu degnay anagoo qajilsan ayaanu soo ururinay dhamaan wixii aanu qubnay.


 

Waa Arin xambaarsan dareen muwaadinimo iyo u damqasho deegaan iyo fayo dhawrka dhirta iyo daaqa waddankeena waa ayaan daro Iyo bahdilaad marka inta aad adigu u nixi waydo waddankii Allah SWT. Kugu beeray qof kale u damqado oo ka yimi meel wadankaaga ujirta 40000 miles, waa muwaadin laga muwaadinsanaaday oo looga Lexo jeclo batay waddankiisii uu ku dhashay ee ubadkiisu barri ka dhaxli lahaa. Dadka maanta Joogaa dhirtii waxay u dabar jareen dhuxul lacagta kasoo baxdana lagu gataa qaad wadan kale laga soo dhoofiyey. Somalidu waa reer guuraa dhaqankooduna halkaas ayuu ku taxa luqaa tusaale barigii hore ninka somaligii dhirta sidu doono ayuu u gumaadijiray kayn jiqa inta uu caawa geela kusoo xareeyo ayuu 150 geed ugaraaci jiray Si uu caawa oo qudha geela ugu xaraysto aroortana waa ka guuri jiray waligiina geed muu beerin.


Mararka qaarkood isagoo baadi doona ayuu kayn dhan dab qabadsiinjiray si uu calaamad uga dhigo inuu halkan isagoo nool soo gaadhay isagoo signal uga dhigaya reerkii uu ka yimi madaama oo aanay isgaadhsiini jirin, sidoo kale marka uu reerka u sahan tago wuxu yidha iga soo daba guuraa kayn ayaan gubi markaan mudo socdo si aad ugarataan inaan wali idinka horeeyo. Illaa hada somalidu marka ay wada hadlayaan xataa kuwa waxbartay ee magaalada jooga haday geed hadhsanayaan waxay jarjarayaan laamaha geedka iyagoo maqan markaa sidee ayaan deegaanka u dhawri karaa aqriste ogaalkay qof Somali ah oo geed beeray wuu yarhayay Lakin qof aan geed dilini maba kujiro Somalida.


Aqriste waligaa geed ma beertay? Haday jawaabtu haa tahay Allah hakaa abal mariyee wali geed Maka beertay meel aan gurigaaga ahayn qaab sadaqo ahaaneen? Muwaadin halka geed waxaa uu jooga Somaliland qiimihiisu $1dollar ama Shilin S/l 10000 fadlan halgeed ilaahay dartii u beer waa sadaqo xadiista ayaa sheegtay, waddankaaga dartii u beer xitaa hadii aanad beeri karin cid beeri Karta ayad u gaynkarta sida xarumaha public ka ah si wadankaaga aad uqurxiso fadlan ugu yaraan caaqada aad biya ama sharaabka ka cabto haku tuurin deegaankaga.. ….


N.B sheekada hore waxaa iga caawiyay Cabdirisaaq.


Allaah Mahad Leh

Abdiqani Salaf (Kaptanka)

Hargeisa SomalilandGaadhkawadanka@gmail.com