Axmed Madoobe oo sheegay arrin Dastuuri ah inay tahay maqaamka Magaalada Muqdisho
Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa wuxuu ka hadlay maqaamka Magaalada Muqdisho, kadib markii xalay uu khudbad ka jeediyay Xarunta Gobolka Banaadir.
Axmed Madoobe ayaa sheegay maqaamka Muqdisho in markasta dhinac gaar ah loo jiido oo lagu eedeyo inay ku dhagan yihiin, balse arinta maqaamka caasimadda ay tahay mid Dastuuri ah.
Wuxuu sheegay inuu dadaal badan u galaayo sidii loo soo dhicin lahaa maqaamka Magaalada Muqdisho iyo xuquuqda dadka Gobolka Banaadir ku nool.
"Waxaa aad looga hadlaa Gobolka Banaadir, Caasimadda, Maqaamka, xagee laga heystaa horta ? laakiin marka wax la sheeg sheegayo waxbaa afka la isku saar saaraa, mar waxaa la yiraahdaa Madasha iyo Baarlamaanka ayaa heysta, Waxaan is leeyahay arrintaasi waa mid Dastuuri ah, dhowr jeerna waan ka hadalnay, shirarkii uga dambeeyay waxaan uga hadleynay in la dadejiyo Maqaamka, aniga ayaana horgal u noqon doona, waxaan rajeynaa arrintan in hada kadib aanan la isku xaman doonin.” Ayuu yiri Axmed Madoobe.
Axmed Madoobe oo sheegay arrin Dastuuri ah inay tahay maqaamka Magaalada Muqdisho
Axmed Madoobe oo sheegay arrin Dastuuri ah inay tahay maqaamka Magaalada Muqdisho