Sirleaf oo heshay abaalmarin $5 milyan doolar ah Iyo Sababta Loo Siiyay.

0
Monday February 12, 2018 - 10:24:51 in by salman abdi
  • Visits: 574
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sirleaf oo heshay abaalmarin $5 milyan doolar ah Iyo Sababta Loo Siiyay.

    Sirleaf oo heshay abaalmarin $5 milyan doolar ah Iyo Sababta Loo Siiyay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sirleaf oo heshay abaalmarin $5 milyan doolar ah Iyo Sababta Loo Siiyay.

Madaxweynihii hore ee dalka Liberia, Ellen Johnson Sirleaf, ayaa ku guuleysatay abaalmarinta Mo Ibrahim oo ah abaalmarin sanad kastaa la siiyo hoggaamiyeyaasha Afrika ee loo arko in ay dalkooda si wanaagsan u xukumeen.

Ellen Johnson Sirleaf ayaa sanadkii 2006-dii waxa ay noqotay haweeneydii ugu horreysay qaaradda Afrika oo noqota madaxweyne, waxaana xilkaasi ay isaga degtay bishii la soo dhaafay.

Guddiga abaalmarinta ee Mo Ibrahim ayaa sheegay in Ellen Johnson Sirleaf ay muujisay hoggaan wanaag muddadii ay xilka haysay, inkastoo ay caqabado badan la kulantay.

Xilligii Sirleaf ay ku guuleysanaysay doorashadii sanadkii 2005-tii, dalka Liberia waxa uu ka soo bxayay colaad sokeeye, waxaana haweeneydaasi ku guuleysatay abaalmarinta nabadda ee Nobel lagu ammaanaa gacantii ay ka geysatay xasilinta dalka.

Dadka dhaliila Sirleaf ayaa ku eedeeya eex, sababtoo ah wiilasheeda ayaa loo magacaabay xilal muhiim ah.

Waxa ay sidoo kale sheegayaan in aysan wax weyn ka qaban la dagaalanka musuqmaasuqa.

Guddiga abaalmarinta ee Mo Ibrahim ayaa sheegaya in ay ogyihiin khaladaadka iyo waxyaabaha ay ka gaabisay Sirleaf, balse ay go'aansadeen in ay u qalanto abaalmarintaasi shanta milyan ee doolar ah.

Ganacsadaha reer Suudaan ee haysta dhalashada Britain Mo Ibrahim ayaa sanadkii 2007-dii waxa uu billaabay abaalmarintan si uu ugu abaalgudo hoggaamiyeyaasha qaaradda ee muujiyay hoggaan wanaag, maadaama kaligii talisnimo ay ragaadisay horumarka qaaradda Afrika.

Abaalmarinta ayay ahayd in sanad kastaa la siiyo hoggaamiye Afrikaan ah balse lixdii sano ee la soo dhaafay ma jirin hoggaamiye ku guuleytay.

Ellen Johnson Sirleaf waxa ay tobanka sano ee soo socda qadan doontaa shan milyan oo doolar iyo 200,000 oo doolar oo ay qaadan doonto inta nolasheeda ka hartay.

Dadkii horay ugu guuleystay Abaalmarinta Mo Ibrahim

2007: Madaxweynihii hore ee Mozambique Joaquim Chissano

2008: Madaxweynihii hore ee Botswana Festus Mogae

2009: Qofna kuma guuleysanin

2010: Qofna kuma guuleysanin

2011: Madaxweynihii hore ee Cape Verde Pedro Verona Pires

2012: Qofna kuma guuleysanin

2013: Qofna kuma guuleysanin

2014: Madaxweynihii hore ee Namibia Hifikipunye Pohamba

2015: Qofna kuma guuleysanin

2016: Qofna kuma guuleysanin